London (CodkaHargeysa)- Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay inuu Axmed-Siilaanyo gaashaankiisa iyo warankiisa ahaa kala badh cimrigiisa, isla markaana uu si fiican u yaqaanno, balse uu ka sii tabaabushaystay intii aanu hoggaaminta dalka ku guulaysan.
“Aniga oo qofkii labaad ee KULMIYE noqda ah kamaan tageen, oo 25 sannadood Axmed-Siilaanyo Garab iyo Gaashaan u ahaa. Axmed-Siilaanyo hadduu Waran uu wax ku dilo lahaa aniguu ahaa, nin SNM ah oo igu qabsan karaana ma jiro. Hadduu Gaashaan uu Warmaha isaga dhigo lahaana, anigaa u ahaa. Kamaan tageen 25 sannadood oo Cimrigayga kala badhkii ah anigoo Gaashaan u ahaa kamaan dhaqaaqeen hadh cad, haddaanan sii qiyaasin marka uu KULMIYE talada qabto sida uu noqonayo.”
Guddoomiye ku-xigeenka Sadeexaad ee UCID, waxa uu isdaas ka sheegay munaasibad taageerayaasha Xisbigu magaalada London ugu qabteen masuuliyiin uu isagu ka mid yahay.
“Maanta inuu UDUB inna xukumo iyo inay KULMIYE yihiin kuwa inna Xukumaa, Cali Waran-cadde ayaa Wasiirka noqon, iyo Cali Xoor-xoor baa Dekedda qaban reer KULMIYOOW waynu is-ognahayoo waxaad ku riyoonayseen maaha. Laakiin, waa nasiib-darro idinku dhacday,” ayuu yidhi Cali-Guray, oo sheegay inay Xisbiyahannadii reer KULMIYE ku hungoobeen hoggaaminta Siilaanyo. Waxaanu sheegay in muddadii uu London joogay arkay Rag badan oo Aqoonyahan ah oo Reer Ingiriis ah oo Raggii Xisbiga KULMIYE dhisay, guushiisana gacanta wayn ka geystay, isla markaana is-beddelka dhabta ah doonayey dibedda la dhigay oo aanay hadli karin, tilmaamina karin waxa qalloocan iyagoo arkaya, taasoo uu ku tilmaamay inay sabab u tahay Koox uu sheegay inay talada isku koobeen oo ay isku xidhan yihiin.
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com