Sool-joogto (CodkaHargeysa) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye), ayaa mashaariic horumarineed oo lagu kobcinayo adeegyada bulshada u dhagax-dhigay shacabka deegaanka Sool-joogto ee gobolka Buuhoodle.
Wasiir Saleebaan Ciise oo socdaal uu ugu kuur-galayo xaaladda caafimaad iyo adeegyada bulshada ee gobolka Buuhoodle maalmihii ugu dambeeyey ku marayey deegaannadaas, ayaa shalay xarun caafimaad u dhagax-dhigay shacabka deegaanka Sool-joogto, taas oo loo muddeeyey inay todobaad Gudihii dhismaheedu ku bilaab isla markaana muddo laba bilood gudaheed ah lagu hirgeliyo inay shaqayso Xaruntaas caafimaad oo loogu talo-galay in lagu daweeyo Carruurta, hooyooyinka Uurka leh iyo bukaanka kaleba.
Md Saleebaan Axmed oo warbaabinta kula hadlay goobta uu ka dhigayey xaruntaas caafimaad, ayaa sheegay inuu maalmaha soo socdo mashaariic noocan ah ka fulinayo deegaanada Sool-joogto ee gobolka Buuhoodle.
Ugu horeyn, wasiirku waxa uu baaq u jeediyey shacabka deegaankaas oo uu faray inay ilaashadaan nabad-gelyadooda isla markaana isla ilaaliyaan cid kasta oo duullaan ku ah nabadda ay ku caano-maalayaan.
“Reer Sool-joogto waan idin salaamayaa. Waan ku faraxsanahay inaan mar labaad imaaddo halkan.. oo runtii ay isugu keen dambaysay wakhtigii taariikhiga ahaa ee aad ogeydeen. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan wax dhib ahi sidii halkan uga dhicin. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaad nabad-gelyo aad haysataan ilaa hadda, waxaanan idinku waaninayaa inaad nabad-gelyadiina ilaashataan oo aydaan ogolaan in cidi idinka qasto nabad-gelyadiinaa wanaagsan,” ayuu yidhi Wasiirku.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Wasaaradda Caafimaadka ee aan anigu wasiirka u ahay, iyada oo og baahida caafimaad ee arladan ka jirta, waxay hirgelinaysaa mashaariic dhowr ah oo lagu daboolayo baahiyaha caafimaad ee deegaankan ka jira.
Sool-joogto waxay ka mid tahay meelaha nasiibka u helay in wasaaraddu u dhisto xarun caafimaad oo ay hooyooyinku ku umulaan, carruurta lagu daweeyo, qofkii kale ee xannuunsanaya lagu daweeyo oo daawadii iyo qalabkiina yaallaan.”
“Waxaan rejaynayaa in dhismuhu Usbuuc gudihii ku bilaabmo, laba bilood gudaheedna ku dhammaado, shaqaduna bilaabanto bil ka dib, Insha Allah.
Waa wax idinka maqan oo aad runtii aad ugu baahan tihiin ee marka la dhiso, daawooyinka iyo qalabkana la keeno, inaad ilaashataan baa laydinka baahan yahay.
Meelo kale oo dhowr ah oo deegaanka ahna mashaariic noocan oo kale ah ayaa laga fulinayaa,” ayuu yidhi Wasiir Xagla-toosiye.
Waxa kale oo goobtaas ka hadlay wax-garadka iyo madax-dhaqameedka deegaanka oo wasiirka ku bogaadiyey horumarka uu kula laabtay deegaanka, waxaanay shacabka deegaanka ugu baaqeen inay gacan adaygaan nabadda ay haystaan.
“Aad iyo aad baanu ugu farraxsanahay horumarka uu wasiirku noo wado. Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay kulanka maalintii taariikhiga ahayd ee wasiirku taabtay iyo maanta farqiga u dhexeeya iyo nabadgelyada iyo nimcada uu u yimi.
Waxaanu idinku waaninaynaa oo idinkula talinaynaa inaad ilaashataan nabadgelyadaa oo aynaan ogolaanin wax innaga carqaladeeya oo dib innoogu celiya dhibaatadii ka dhacday deegaanka. Nabadgelyadu horumarkaas ayay leedahay, taas baana loo baahan yahay inaynu ilaashanno oo dhinacyada qabsanno,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah madax-dhaqameed deegaanka.
“Dadka qaarbaa meelahaa qodxa dhigaya oo inay wax carqaladeeyaan doonaya, kuwaana waanu waaninaynaa Illaahayna soo hadeeyo,” ayuu yidhi Odaygani.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM