Hargeysa (HMG)- Madax-dhaqameed iyo Odayaal ka soo kala jeeda badi beelaha Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo tiradoodu gaadhayso 50 xubnood, ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana lagu dejiyey Hoteellada Safaari iyo Shaybe oo ku yaalla Xaafadda Jigjiga-yar ee Hargeysa.
Madax-dhaqameedka ka socda Beelaha inta badan Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, ayaa Shalay ka soo ambabaxeen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalkaasi Soomaaliya, kuwaas oo oo markii ay Muqdisho ka soo baxayeen aan ka hadal ujeeddada socdaalkooda.
Ma jiro War rasmi ah oo ka soo baxay Odayaasha Soomaaliya ka socda ee Hargeysa soo gaadhay iyo wax War ah oo ay Xukuumadda Somaliland ka soo saartay toona.
Ujeeddada socdaalka Safarka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ku yimaaddeen Hargeysa, ayaa la xidhiidhiyey hirgelinta Mashruuc la sheegay in dawladda Turkigu maal-gelinayso oo la sheegay in lagu doonayo is-dhex-galka Bulshooyinka walaalaha ah ee reer Somaliland iyo reer Soomaaliya. Halka ay wararka qaar tibaaxayaan in ujeeddada socdaalka Odayaashu tahay mid siyaasadaysan, isla markaana ay tibaaxayaan inuu Madaxweynaha Soomaaliya u soo diray Somaliland si ay kulamo aan muhiimaddooda la shaacin ula yeeshaan Madaxda Dhaqanka iyo kuwa siyaasadda ee Somaliland. Bishii Koowaad ee Sannadkan, waxa arrintan Fashiliyey Afhayeenkii hore ee madax-tooyada Soomaaliya Eng Yariisow oo kaga dhawaajiyey inuu jiro qorshe lagu doonayo is-dhexgal bulshada iyo shacabka laga dhex-abuurayo.