London (CodkaHargeysa)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo ay wehelinayaan Xubno ka tirsan Madaxda Laamaha Xisbiga, ayaa kulan waxyaabo badan lagu gorfeeyey la yeeshay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ay wehelinayaan Xoghayaha UCID ee Waxbarashada Fowsi Xaaji Yuusuf, Xoghayaha Xisbiga laanta UK Cabdilaahi Cumar Shaqale, Xoghayaha garabka Haweenka Marwo Farduus Cige iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee UK, ayaa magaalada London kulan ballaadhan kula qaatay saraakiisha ugu sarreysay wasaaradda Arrimaha Dibadda gaar ahaan xafiiska Barwaaqo-sooran (Common Wealth).
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa Xidhiidhka dibloomasiyadeed iyo dhaqaale ee Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, waxa ay labada dhinac ka wada-hadleen sii-xoojinta taageerada arrimaha dimuqraadiyadda iyo horumarinta adeegyada bulshada ee dawladda Ingiriisku ka caawiso Somaliland, sida Caafimaadka, Tacliinta iyo Shaqo-abuurka si looga hortago aafada tahriibta ee sababta in dhalinyaradu dalkooda ka haajiraan.
War-bixin dhinacyo badan taabanaysa oo masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriisku ka dhegaysteen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Masuuliyiinta Xisbiga UCID ka dib, waxa ay ballan-qaadeen saraakiisha Xafiiska Barwaaqo-sooranka (Common Wealth) inay kaalin buuxda ka geysanayaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Shaqo-la’aanta iyo Tahriibta, loona xoojin lahaa taakulada Dawladda Ingiriisku ka geysato dhinacyada Waxbarashada, Dimuqraadiyadda iyo Caafimaadka.
Waxa kale oo ay dawladda Ingiriisku ballan-qaadday inay Somaliland si weyn uga caawinayso Doorashooyinka madax-tinimada iyo Baarlamaanka ee la filayo sannadka soo socda inay dalka ka qabsoonto.
Waxa kale oo kulanka lagu soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin Xaaladda dalku wakhtigan ku sugan yahay sida dhinacyada Xorriyatul-qawlka, madax-bannaanida saxaafadda iyo kaalinta laga geysan karo tabobaro dhinaca mihnadda saxaafadda ah oo loogu deeqo suxufiyiinta kala duwan ee Somaliland.
Gebo-gabadii kulankaas, Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu uga mahad-celiyey Wasaaradda Arrimaha dibadda Ingiriiska soo-dhawaynta ay ku qaabileen, halka iyaguna ay u muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin xidhiidh cusub ee uy furmay xisbiyada mucaaradka Somaliland, gaar ahaan Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka.
Xisbiga UCID ayaa noqonayaa xisbigii ugu horreeyey axsaabta mucaaradka Somaliland ee kulamo noocan ah la yeesha wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska isla markaana kala hadla sii xoojinta taageerada dhaqaale ee ay siiyaan Somaliland iyo wax ka qabashada aafooyinka tahriibta iyo shaqo-la’aanta haysata dhalinyarada dalka.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM