Hargeysa (CodkaHargeysa)- Somaliland ayaa ku guulaysatay inay saami boqolkiiba 25 ah ka hesho dhaqaale ay dawladda Jarmalku u haysay dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya intii ka horreysay 1991-kii oo ay burburtay, waxaana dhaqaalahaas saamiga ay Somaliland ka heshay lagaga shaqayn doonaa horumarinta adeegyada Biyaha iyo Cunno-soo-saarka, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin u hadlay dawladaha Jarmalka iyo Somaliland.
Wefti ka socda dawladda Jarmalka oo MAANTA socdaal shaqo ku yimi Caasimadda Hargeysa, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ka dib markii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku qaabbilay Xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada oo uu wadahadal ku dhex-maray.
DHEGAYSO
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM