Nuxurka Qodobbada looga Fadhiyo Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo Maanta u jeedinayo Labada Gole Baarlamaan

0
331

siilaanyoHargeysa (CodkaHargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa sida qorshuhu yahay maanta oo Arbaca ah la filayaa inuu khudbad-sanadeedkii Dastuuriga ahayd ka hor jeediyo Labada Gole ee Guurtida iyo Baarlamaanka.

Labada Aqal  ee wakiillada iyo Guurtida ayaa maalintii shalay Maamulkoodu ku wargeliyey inay  u diyaargaroobaan sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen khudbadda madaxweynaha oo loo Asteeyey inay Maanta dhacdo.

Haddaba Madaxweyne Siilaanyo oo haatan  majaraha siyaasadda somalialnd soo Hayey muddo afar sano ku dhaw ayaa laga filayaa inuu waxyaabo badan kaga hadlo khudbadiisa oo sanadkan si weyn u muddo dhaaftay.

Madaxweynaha ayaanay inta badan khudbadiisa sanadkan ee la sugayo waxa xiiso tiray khudbad dheer oo uu Toddobaadkii ina dhaafay ka horjeediyey Shirweynihii xisbigiisa Kulmiye oo uu si weyn ugu lago guray waxyaabihii u qabsoomay Xukuumaddiisa iyo xisbigiisaba intii uu talada dalka Hayey.

Waxyaabaha Bud-dhigga unoqon doona Khudbadda uu madaxweyne Siilaanyo Maanta ka horjeedin doono labada Gole, ayaa waxa ugu horreeya Arrimaha Doorashooyinka  Madaxtooyada, Guurtida iyo Wakiillada oo dhammaantood xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay  qabato sanadka soo aaddan.

Doorashooyinka Madaxtooyada oo ku eg sanadka soo Socda ayuu sanadkii hore khudbadiisii ku sheegay inaanu raalli  ka ahayn in ugu yaraan hal maalin loogu daro  muddo-xileedkiisa sharciga ah, balse wali wax badan oo shuruucdii doorashadu kow ka tahay ayaa qabyo ah, waxana ay taasi dhalisay dareen ah in muddo kordhini jiri doono.

Madaxweynaha ayaa laga filayaa jawaab cad iyo qorshe la xidhiidha nidaamka uu dalka sanadka soo socda uga  hirgelin doono Doorashooyinka madaxweynenimada iyo kuwa Wakiillada oo kuraasta ku fadhiyey muddo ku dhaw Toban sano.

Waxyaabaha kale ee madaxweyne Siilaanyo  laga yaabo inuu khudbad-sanadeedkiisa ku soo darsado, ayaa laga yaabaa inay ka mid noqdaan Tallaabooyin ammaandarro ah oo dhawaanahan dalka ka dhacayey, kuwaas oo xubno ka tirsan xildhibaanada Wakiillada iyo siyaasiyiin caan ahba lagu dhex rasaaseeyey caasimadda  dhexdeeda.

Madaxweynaha ayaa laga filayaa inuu ku dheeraado qorsheyaashiisa dhinaca nabadda dalka Gudihiisa ah oo dhaliilo loo jeedinayey iyo ka midho dhalinta himilooyinka iyo Ballamihii ay hore xukuumaddiisu u ballan qaadday oo qaarkood aanay wali hirgelin.

Arrimaha kale ee sida gaar ah looga sugayo inuu madaxweyne Siilaanyo kaga hadlo khudbadiisa, ayaa wax aka mid ah dhaqdhaqaaqyada ciidanka qaranka Somaliland ka wadaan Bariga dalka iyo waliba tallaabadii ay ciidanku dib ugaga soo baxeen Deegaanka Taleex oo looga fadhiyo sababta keenay inuu u sharraxo Golayaasha qaranka.

Waxa sidoo kale madaxweynaha looga fadhiyaa waxyaabaha uga qorshaysan dibin-daabyada maamulka Puntand ku hayo Gobollada Bariga Somaliland iyo siyaasadda ay xukuumaddiisu ka leedahay Deegaanada ay haatan gacanta ku hayaan kooxaha Khaatumo oo wali aanay xukuumaddu tallaabo soo jiidasho leh ka qaadin.

Dhinaca siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxa Madaxweynaha looga fadhiyaa waxyaabaha uga qorshaysan sidii loo heli lahaa Ictiraaf rasmi ah, loona kasban lahaa Bulshada Caalamka si qarankani uga mid noqdo duwalka caalamka ee ictiraafka iyo aqoonsiga ku naalooda.

Madaxweyne Siilaanyo waxa  kale oo marka uu Baarlamaanka hor tago looga fadhiyaa inuu Golaha ka shaafiyo dareenka dhiillada leh ee Saxaafadda iyo xukuumadda dhexyaalla, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey  ay ka dhalanaysay Hadal hayn badan oo la xidhiidha khilaafka lagu xannibay xarumo Warbaahineed oo shaqaynaya, waxana Madaxweynaha looga fadhiyaa inuu caddeeyo mawqifka dawladdiisa kaga aaddan Cabashada laga muujinayo xorriyatul-qawlka.

Dhinaca Arimaha Bulshada, caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo  Deegaanka ayaa madaxweynaha looga fadhiyaa inuu caddeeyo dhibaatooyinka ka jira iyo Tallaabooyinka u qorshaysan inay kaga baxaan dhibka Biyo yaraanta caasimadda haysta iyo kor u qaadidda Caafimaadka Bulshada iyo la dagaalanka cudurrada Bulshada waxyeeleeya.

Ugu dambayntii waxa laga filayaa madaxweynaha Somaliland inuu caddeeyo Halka ay marayaan Nidaamkii lagu diiwaangelinayey Dadka shacabka iyo xilliga rasmiga ah ee ay suurto gal tahay inuu qabto doorashada madaxtinimo ee Dalka oo u astaysan 2015-ka, balse caqabado jira aawadood ay adag tahay in la qabtaa.

Xubnaha labada Gole ayaa Xaq u leh inay Madaxweynaha Su’aalo weydiiyaan, balse taas haatan lama filayo, maadaama ay xildhibaanadu u badan yihiin muxaafid, isla-markaana la hubo inay madaxweynaha sacab iyo mushxrad ku soo dhaweyn doonaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa labada Gole hor iman doono xilli uu dalka ka maqan yahay Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Waxana Booskiisa Buuxin Doono Guddoomiye-ku-xigeenkiisa Koowaad  Baashe Maxamed Faarax.