Manchester City ayay 90 daqiiqo oo kali ahi ka xigaan dabaal deggii horyaalka Priemier League kadib marii ay sida roobka ugu da’day kooxda Aston Villa kagana adkaatay 4-0 habeen kii xallay ciyaar ay gegideeda Marti loogu ahaa.
Wallow aanay u suurto gallin City inay goolal la timaado qaybtii hore ee ciyaarta , hadana markii la isu soo noqday , laba gool oo uu bilowgiiba shabaqa dhigay weeraryahan Edin Dzeko ayaa u muujiyey ifafaalo guul filasho ah, ka hor intii aanay laba gool oo kale u raacinin , guushana saxeex cad ugu duugin , wiilasha Stevan Jovetic iyo Yaya Toure kuwaas oo ka dhigay ciyaarti mid ay Manchester City si fudud, macno weyna ku fadhida ay ugaga badiso 4-0 Aston Villa.
Guushan ayaa ka dhigaysa City mid barbar dhac kaliya uu uga dhiman yahay dabaal dega guusha weyn ee cumaamada Horyaalka The Priemier League ee sanadkan.
Tababaraha Kooxda Manchester City ayaa usheekeeyay wariyayaasha kadib ciyaartii caawa ee garoonka Etihad Stadium, Manchester City ayaa 4-0 kudubatay Aston Villa kulan dulqaad badan ay muujiyeen ciyaartoyda macalinka reer Chile Manuel Pellegrini.
Pellegrini ayaa yiri “Kooxda kaliya ma muujinin dulqaad, si fiican ayaan uciyaarnay, si fiican ayaa kubada ubaaseenay, kubada ayaan maamuleenay, waxaan horey ugu wadnay kubada xawaare inta aan awoodnay labo seddex fursadood ayaan abuureenay.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Waxaa hubaal ah haddi aan sii wadno qaabka aan uciyaareeno inaan heleeno boosas aan goolal kadhalin karno.
XIGASHO: Cadalool Sports