Madaxweynaha Somaliland oo hoggaamiye siyaasiyadda Socod-barad ku ah ku tilmaamaymadaxweynaha Somaliya, beeniyeyna hadal hore uga soo yeedhay

0
289

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud ayaa si kulul u beeniyey hadal dhowaan ka soo yeedhay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo  ahaa xidhiidh uu la sameeyey madaxda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland kana wada hadleen dejinta xiisad dagaal oo ka aloosneyd degmada Taleex ee gobolka Sool.

Khdubadda madaxweynaha (1)Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hadalkaas ka sheegay mar uu maanta khudbad sanadeedkiisa u jeedinayey labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland, kaasoo uu kaga hadlay muddadii afarta sanno ahayd ee uu xilka hayay wixii u qabsoomay iyo qorshaha sannadkan.

 “Waxaa maalmahan warbaahinta kala socday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xiriir inoo dhexeeya iyo waraaqo aanu iswaydaarsanay, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuxuu ku cusub yahay saaxada siyaasadda waana dhalinyaro, waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto “Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo xuduudihiisa-toona Qaranimada Somaliland waa mid ku timi codka shacabka waanu difaacaynaa waana u dhimanaynaa” ayuu yiri Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in Ballanqaadyadii wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray uu bulshada u sheegay inuu qaban doono ay 85% u qabsoomeen, halka %12 gacanta uu ku hayo oo uu rejaynayo in maalmaha soo socda dhammaadaan, halka %3 aanu u qabsoomin.

Hadalka madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo aadaya xili Madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadkii hore shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia uu sheegay in dowladdiisa ay dadaal u gashay sidii loo qaboojin lahaa xiisada degmada Taleex ee gobolka Sool, markii ciidamada Somaliland ay galeen halkaas inkasta oo ay dib uga baxeen, isagoo xusay in labada Madaxweyne uu kala hadlay sidii xiisada loo qaboojin lahaa.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM