Cabdilaahi Abokor Oo Bulshada U Saray Godkii Laga Qaniinay, Xil-ka-qaadistiisana U Sibir-saaray Farogelin Madaxtooyadu Ku Samaysay Shaqadiisa

0
351

 Hargeysa  (CodkaHargeysa)- Wasiir-ku-xigeekii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor, ayaa daaha ka fayday Qorshayaal qarsoodi ahaa oo sababay inuu waayo xilkii uu ka yahay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Cabdilaahi Abokor ayaa si cad u sheegay sababta ka dambaysa Xil-ka-qaadistiisa, isagoo meesha ka saaray inuu ku kacay wax keeni kara xil-gasho la’aan ama dayacaad xagga shaqadiisa ah.

CABDILAAHI ABOKORCabdilaahi Abokor oo maanta xilka ku wareejinayey masuul cusub oo loo magacaabay, waxa uu kaga dhawaajiyey inuu xilka ku waayey khilaaf la xidhiidhay Arrimaha Golaha dhexe ee Xisbiga oo ay is afgarasho la’aani ka dhalatay Nidaamkii loo soo xuli lahaa, “Sabab aan Xilkaygii u gudan kari waayey may jirin, laakiin waxa jirey khilaaf ka yimi xagga Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye Kaas oo aan Aamin sanahay inuu Ilaa iyo Maanta Taagan yahay.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor oo ka hadlaya sababta ka dambaysa Xil-ka qaadistiisa.

Waxa uu Cabdilaahi Abokor si dadba u sheegay farogelin shaqadiisa lagu farogeliyey oo uu u waayey madax bannaanidii uu xaqa u lahaa, waxana uu sheegay inay taasi keenayso cawaaqib xumo dambe oo liidata, waxana uu yidhi,“Dalkani haddiii la doonayo inuu Deggenaansho siyaasadeed galo, waxa la  loo baahan yahay in dadku si  xor ah isku doortaan, si  xor ahna isku maamulaan, Haddii aan taas laga waantoobin-na waxaynu nahay qabiilo isku tegay Haddii nin kastaba lagu ixtiraami waayo shaqadiisa iyo reerkiisa  waxay noqonaysaa in hadhow la kala furfurmo sida basasha,”

Cabdilaahi Abokor waxa uu xukuumaddii uu ka tirsanaa u soo jeediyey inay ka fogaadaan dafiraadda Muwaadiniin  Xisbiga Karaamo ku lahaa oo uu sheegay in laga doorbiday  kuwo lacago sita, waxana uu yidhi,“waxan halkan uga soo  jeedinayaa xukuumadaan ka tirsanaa in la dhawro xuquuqda muwaadinka oo muwaadinka xurmada leh ee xisbiga u soo  halgamay inaan  laga doorbidin nin maanta shilimaan la siisan karo,Si aynu hadhow  mustqablkeena soo socda u helno nidaam cad oo daahfuran oo qofkastaaba xaq leeyahay oo aanay inaga noqon sida waddamada Afrikaanka in Qofku marka Golaha dhexe  la keensado la iibsan karo waxan jecelahay inay qodobkaas dawladdu ka waantowdo oo ay faraha ka qaaddo.”

Hadalkan ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenkii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  oo ka mid ahaan jirey Masuuliyiintii ugu awoodda badnayd xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa laga dhadhansan karaa khilaaf isaga iyo madaxtooyada ku dhex maray habkii loo soo xulayey xubnihii Golaha dhexe Ee Beeshiisa, taas oo keentay in Aakhirkii uu waayo xilkii uu xukuumadda u hayey.

Cabdilaahi Abokor ayaa sidoo kale muujiyey inuu  ka xun yahay farogelinta lagu sameeyey xilkiisa, taas oo uu muujiyey inay qadaf iyo wax aan xaq loogu lahayn, iyadoo muujinaysa sida ay madaxtooyadu rabitaankeeda ugu cadaadiso masuuliyiinta xukuumadda xilka u haya.

Cabdilaahi Abokor ayaa xilka hayey muddo ku siman laba sano, waxana uu xilka qabsaday Horraantii Bishii April ee sanadkii 2012-kii, ilaa iyo Haatana waxa uu Bulshada ugu calaamadsanaa nin awood badan ku dhex leh xukuumadda uu ka midka yahay.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM