Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo digniin u jeediyey Cali Khaliif iyo ujeeddada Shir Xalay ku qabsoomay magaalada Buuhoodle

0
370

wasiir xaglatoosiyeBuuhoodle ()- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo dhaq-dhaqaaqyada colaadeed ka abaabulaya gobollada Bari ee Dalka uga digay inuu danihiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah uga faa’idaysto dhibaatooyin hor leh oo ka dhaca deegaamada gobollada Buuhoodle iyo Sool.

Dr Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxa uu ka hadlay booqasho Dr Cali Khaliif ku jooga Magaalada Buuhoodle oo wasiirkuna ku sugan yahay, isaga oo sheegay in ujeeddada Siyaasigi Cali Khaliif ku joogo magaaladaasi la xidhiidho booqasho uu ugu tagay hooyadii oo deggen magaaladaas, balse aanay shacabku ka yeeli doonin inuu danihiisa gaarka ah uga faa’idaysto caadifad aan dhibaato mooyee waxtar u keeni karin shacabka deegaanka.

“Cali khaliif waa nin Gabadhi dhashay, deegaankana ka tirsan, Magaaladiisana jooga cid odhan karta Magaalada Ka baxna ma jirto, laakii ka ogolaan mayno Cali khaliif siyaasaddii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle noqonmayso dhagax la isku taago oo uu qofku ku gaadho dantiisa, balse Hooyadii baa joogta oo uu soo booqday, una malayn maayo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq keeni kara Nabadgelyo darro,” ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

Dr Saleebaan Ciise waxa uu sababeeyey socdaal isaga laftigiisu ku joogo magaaladaas, waxaanu yidhi, “Sababtaan Buuhoodle u tegay waa mid la xidhiidha safarradii aan ku marayey waddanka somaliland ee aan ugu guurgalayey adeegyada iyo xarumaha caafimaad ee waddanka maadaama aan wasiirka caafimaadka ahay, hadana waxan ku jiraa Kormeer aan ka bilaabay degmada Buuhoodle.”

“Buuhoodle waxa iigu dambaysay markii aan Nabadgelyada la saxeexday Madaxweyne Siilaanyo ee aan ciidamada ka rarnay meelahay Fadhiyeen Maxaabiistana soo deynay, anigu waxan imi magaaladaydii Aabahay joogay, Tolkay Joogay, dadkaygu joogay ee deegaankayga ahayd,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Xagla-toosiye waxa uu meesha ka saaray warar sheegayey inuu awood ciidan ku galay magaaladaas oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey, waxaanu yidhi,  “Ciidan Somaliland oo aniga daacad ii ahi waa joogeen,laakiin kuwaas kumaan imane waxan ku imi Nin ka mid ah degaanka oo u dhashay, wax ka qabtay, shacabkiisu taageersan yihiin, jecelyihiin waana la igu soo dhaweeyey.”

“Ciidan aan watay ma jirin, Buuhoodle ciidan iyo hantidaad iyo Tekniko laguma soo galo, soo dhaweynta ii dhacdayna may ahayn mid aan anigu awood ku muquuniyaye, waxay ahayd jacayl ay dadkaygu I jecel yihiin,” ayuu yidhi xaglo-toosiye.

Dhinaca kale, waxa isla xalaybay magaaladaas ka dhexmaray kulan Odayaasha Beelaha Buuhoodle soo Qaban qaabiyeen ay kula shirayeen Wasiirka Cafimaadka Somaliland, kaas oo ay ka qayb-galeen Odayaasha Magaalada, Masuuliyin Ka Socotay Kooxda Khaatumo Iyo Siyaasiga Dr Cali Khalif.

Shirkaas wasiirku la yeeshay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Deegaanka, waxa lagaga wada-hadley Horumarinta Degaanka Buuhoodle Iyo Arrimo Ku Saabsan Siyaasada iyo Xaalada Degaankaasi, haseyeeshee si rasmi looma garanayo waxyaabaha ay ka wada-hadleen ee dhinaca siyaasadda ku saabsan.  

Warku waxa uu intaas ku daray in Odayasha Magaalada Buuhoodle ay soo dhoweeyay Socdaalka Wasiirka Somaliland ku tagay gobolkaas, isla markaana ay ballan-qaadeen inay diyaar u yihiin nabad iyo in ay ka qayb-qaataan ka-qayb-qaadashada horumarka ka socda qaybaha kale ee dalka.

 CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHAGEYSA