Ceerigaabo (CodkaHargeysa)- Waxa shalay gelinkii hore baaqday Imtixaan laga qaadi lahaa shaqaalaha loogu talo galay inay ka Hawlgalaan Diiwaangelinta shacabka Gobolka Sanaag, kaasoo qorshuhu ahaa in lagu qaado xarunta Jaamacadda gobolkaas ee magaalada Ceerigaabo..
Sababaha Imtixaanka dib loogu dhigay ee shakiga abuuray, ayaa lagu sheegay in imxitaanku gacanta u galay shakhsiyaad ka tirsan shaqaalaha dawladda, kuwaasina ay sii gaadhsiiyeen dad gaar ah oo ay danaynayeen.
Warkan ayaa markii uu gaadhay ardaydii imtixaanka sugaysay, waxa bilaabmay isku-dhac iyo rabshado ka abuurmay xarunta jaamacadda Sanaag oo lagu ballansanaa in imtixaanka lagu qaado, taas oo keentay inuu halkaas ku fashilmo imtixaankii loo geli lahaa hawl-galka diiwaangelinta.
Haseyeeshee, sida ay sheegeen wararka aanu ka helay magaalada Ceerigaabo, waxa ay arrintu faraha ka sii baxday markii ay ciidamadu isku dayeen inay xabsiga u taxaabaan mid ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka Ceerigaabo oo lagu tuhmay inuu ardayda kicinayey, taas oo sababtay inay ardaydii ka gadoodeen tallaabadii ay ciidanka boolisku ku doonayeen inay Xildhibaanka ku qabtaan, waxaana halkaas ka dhacay iska horimaad dhexmaray Ciidanka iyo dhallinyaro gadoodsan, iyadoo ciidmadu rasaas nool-nool u adeegsanayeen deminta kacdoonkaas.
Warku waxa uu intaas ku daray in rasaasta ay ciidanku isticmaalayeen dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid ah ardaydii goobtaas ku sugnaa, taas oo sababtay in la baajiyo imtixaankii la qaadi lahaa.
Masuuliyiinta gacanta ku haya Imtixaanka, ayaan iyagu ka hadliin sababta ay dib ugu dhigeen xilliga imtixaanka, isla markaana may sheegin muddo dambe oo loo qabtay imtixaanka
Ugu dambayntii waxa goobta iskaga dareeray Ardaydii doonaysay inay Imtixaanka galaan, iyadoo aan loo sheegin wakhti go’an oo ay u soo diyaar-garobaan Imtixaanka loo ballanqaaday si ay calafkooda uga qaadaan xubnaha shaqaalaha ah eeku soo bixi doona Liiskaas shaqaalaha gobolkaas uga hawl-galaya diiwaangelinta madaniga ah.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM