Sirta ku duugan dareenka ay Cagtu gudbiso IYO luqadaha kale Jidka

0
421

Khabiir Ingiriis ah oo ku xeeldheer Cilmi-nafsiga ayaa sheegay inuu daah-furay qayb cusub oo luqadda jidhka ah kaas oo ay bani’aadamku u isticmaalaan ku dareen bixiyaan cagahooda.

Xidhiidhka indhaha iyo luqadda jidhka ee la isku fahmo waxa muddo badan loo tixgelinayey inay yihiin astaamo kutiri-kuteen ah oo muujinaya khiyaamada, cadhada, baahida galmo iyo sidoo kale been-sheegista. Haseyeeshee, waxa aragtidaas sii xoojiyey Prof. Geoffrey Beattie oo ah Diinka qaybta cilmiga Psychology-ga ee Jaamacadda Manchester kaas oo sheegay in dad badani aanay fikrad ka haysan isla markaana ogaynba farriimaha qarsoon ee cagahoodu bixiyaan. Tusaale ahaan, marka la eego cilmi-baadhista, dadka  beenta sheegaa, cagahooda waxa ay u qotomiyaan si aan dabiici ahayn si ay isugu dayaan inay dadka ka maran-habaabiyaan beenta ay sheegayaan.

body language secretsDhanka kale, waxa ay daraasaddu tilmaantay in marka uu ninku cadhoonayo uu dareenkiisa ku muujiyo isaga oo kordhiya dhaq-dhaqaaqa cagtiisa. Laakiin, dumarku marka ay cadhoodaan waxay muujiyaan dareen taas lid ku ah iyaga oo aan wax dhaq-dhaqaaq ah ku samayn cagahooda. Waxa kale oo cilm-baadhistu tilmaantay in dadka dhiirran ee furfurani aanay caghoodu  wax dhaq-dhaqaaq ah samayn, halka dadka mukhajiliinta ahi ay cagahoodu sameeyaan dhaq-dhaqaaq joogto ah. Prof Beattie oo isaguna ah khabiir ku takhasusay cilmi-nafsiga waxa uu taageeray fikraddan isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “In kasta oo ay suurtowdo inay dad badani ogyihiin farriimaha dareen ee wejiyadooda iyo gacmahoodu gudbinayaan, haddana waxa laga yaabaa inaanay wax fikrad ah ka haysan in cagahoodu ay dhaq-dhaqaaq samaynayaan ama ay farriimo gudbinayaan.”

Isaga oo sharraxaad ka bixinaya sirta ku duugan farriimaha ay caguhu gudbiyaan waxa uu yidhi, “Luqadda daahsoon ee cagtu waxa ay daaha ka faydaysaa shaqo weyn oo ku saabsan shakhsiyaddeena, fikradda aynu ka haysano qofka aynu la hadlayno iyo xitaa xaaladaheenna shucuureed iyo cilmi-nafsiyeed. Waxaanay qayb ka yihiin meelaha ay isugu gudbino farriimaha aan ficilka samaynayn.”

Cilmi-baadhistu ayaa lagu sheegay in soo xiisaha jiidashada iyo sida ay dadku u dhaqmaan marka ay qoslayaan ay saamayn ku leeyihiin farriimaha ay caguhu tebiyaan. Haddii ay haweenay cagteeda dhaq-dhaqaajiso markay qoslayso, waxa ay ka mid tahay astaamaha ugu weyn ee lagu garto xiisaha ay qof kale u qabto. Inta badan dadku waxa ay dareenka qof kale ka dheegtaan eegitaanka indhaha iyo wejiga in kasta oo ay dadku dabooli karaan waxa ay samaynayaan,  haseyeeshee, cilmi-baadhistu waxa ay sheegaysaa in meesha kaliya ee la isku hallayn karo ee muujinaysa inuu qofku been sheegayo ay tahay in la ogaado sirta ku duugan dhaqdhaqaaqa cagihiisa.

Sababaynta astaantaas ayay daraasaddu ku ladhay siyaasiyiinta oo inta badan marka ay hadlayaan sameeya dhaqdhaqaaqyo badan. 

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM