Madaxweynaha Somaliland oo Furay Jid Laami ah oo Isku-xidhaya Kala-baydh iyo Togwajaale (DAAWO + DHEGAYSO)

0
315

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa xadhiga ka jaray wadada halbawlaha ah ee isku xidha wajaale ilaa kala baydh oo sidaynu la soconay beryahanba ay ka socotay dhisme laami ah oo noqotay markii ugu horaysay taariikhda ee ay Wajaale iyo Kalabaydh isku xidhmaan.

Madaxweynaha oo munaasibadaasi ka hadlay, iyo masuuliyiin tiro badan waxa aad ka dhegaysan kartaan Codkan lifaaqa ah.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray Cusbitalka Degmada Wajaale oo isna hada Gebegebo ku dhaw xukuumaduna ay fulisay balanqaadkeedii ahaa inay ka hirgelindoonta madaxweynuhuna uu hore u dhagax dhigay Cusbitalkan.