Isbarbar dhig lagu sameeyey hubka Nukliyeerka ee Pakistan, Hindiya iyo Shiinaha

0
388

Khubaro ku takhasustay hubka Nukliyeerka oo u dhalatay waddanka Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday baadhitaan qarsoon oo ay muddo badan ku gudo-jireen kaas oo ay ugu kuur-galayeen tayada hubka wax gumaada ee waddamada Pakistan, Hindiya iyo Shiinaha.

INDIA, PAKISTAN, CHINAKhubarrada oo natiijada baadhitaankooda si gaar ah ugu naqdiyey xaddiga lahaanshaha hubkan ee dalalka Pakistan iyo Hindiya, ayaa sheegaya in tirada madaxyada nukliyeerka ee waddanka Pakistan ay ka badan tahay inta ay Hindiya haysato, waxa kale oo ay tilmaameen in labadan waddan ee jaarka ah iyo weliba Shiinuhu ay weli ku hawlan yihiin kordhinta madaxda iyo weliba samaynta xarumo cusub oo lagu rakibo.

CHINA, INDIA, PAKISTANKhubarada oo magacyadooda lagu kala sheegay Rober S. Norris iyo Hans M Kristensen, waxa ay sheegeen in madaxyada hubkan ee ay Pakistan leedahay u dhaxayso 70-90 halka waddanka Hindiya la rumaysan yahay inuu leeyahay 60-80 hub nukliyeer ah. Warbixinta baadhitaankan oo lagu daabacay caddadki ugu dambeeyey ee jariiradda Bulletin of the Atomic Science, waxa ay sheegaysaa in xukuumadaha Beijing, Islamad iyo New Delhi ay tiro ahaan iyo tayo ahaanba kordhinayaan madaxyada xambaaraha Nukliyeerka iyo weliba xarumaha ay ku rakibayaan hubkan, in kasta oo ay adagtahay in la ogaado goobahaas. Tusaale ahaan, ma jiraan macluumaad la isku hallayn karo oo sheegaya goobaha ay Pakistan iyo Hindiya ku farsameeyaan hubkooda nukliyeerka.

1“Halka waddanka Shiinaha saldhigyadiisa nukliyeerka la yaqaano, tan oo kale kama jirto Pakistan iyo Hindiya oo aanay noo suurto gelin helitaanka macluumaad caqli gal ah oo tilmaamaya goobaha saxda ah ee lagu kaydiyo hubka nukliyeer,” ayey khubaradu sheegeen. “Lama rumaysna in hubka nukliyeerka ee Pakistan uu si buuxda looga hawl-galiyey goobaha milatariga ee shaqeeya, halka Hindiya loo malaynayo in madaxyada iyo bambooyinka nukliyeerka lagu hayo goobo ka madaxbannaan saldhigyada shaqeeya ee milatari.

Haseyeeshee, in kasta oo saddexda waddanba kordhinayaan madaxyada nukliyeerkooda, haddana waxa socda saldhigyo cusub iyo xarumo lagu kaydiyo hubka nukliyeerka,” ayey labadan khabiir warbixintooda ku sheegeen. 

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM