Ingiriiska oo natiijo la’aan 50 sanno ah ka dib faraha ka qaaday dabagalka Suxuunta Wareegta

0
405

Wasaaradda Gaashaandhigga waddanka Britain ayaa albaabada u laabtay qayb wasaaradda ka tirsan oo muddo badan baadhitaanno iy dabagal ku samaynaysay waxa ay ku magacaabaan Suxuunta Wareegta oo jiritaankoodu cabsi badank u abuuray waddamo badan oo reer Galbeed ah.

SUXUUNTA WAREEGTAWasaaradda ayaa sheegtay inay xidhay xafiisyadii iyo ciwaannadii ay dadweynuhu ku hagaajinayeen wararka la xidhiidha haddii indhahoodu qabtaan muuqaal ka yaabiya oo ay cirka ku arkaan. Wasaaradda ayaa sheegtay in muddo 50 sanno ah oo ay ku dabo-jireen baadhista jiritaanka iyo muuqaalka Suxuunta wareegta iyo inay halis ku yihiin waddanka Ingiriiska, inay heleen warar badan oo sheegaya jiritaankooda, haseyeeshee aanay ilaa wakhtigaas helin caddayn muujinaysa inay halis ku hayaan waddankaas ama xataa jiritaankooda.

Sarkaalka ka madaxda ah qaybtan wasaaradda ka tirsan ayaa sheegay inaanay awood cayiman u haynin si ay u aqoonsadaan jiritaanka dabeecadda walax-cireedyadan. Sidoo kale, afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in hantidii iyo macluumaadkii ay u adeegsan jireen daba-galka iyo helidda macluumaad ku saabsan Suxuunta Wareegta loo duwi doono istraatajiyado kale oo difaac sida dagaalka ka socda Afgaanistaan.

Haseyeeshee, khabiir ku takhasusay raadinta macluumaadka Suxuunta Wareegta ayaa tallaabada wasaaradda ku tilmaamay mid ay la eegteen wakhti ku habboon si ay marmarsiinyo ugu helaan hantida ku baxaysa hawl-galladooda. “Dawladdu waa inay la timaaddo wax laga aqbali karo. Qaraabada askarta ku geeriyoota Ciraaq waxa lagu maaweeliyaa inaanay innamadoodu helin qalab difaac oo ku filan, muuqaalka iftiin cirka lagu arkona xaddi lacag oo badan ayaa lagu lumiyaa,” sidaa waxa yidhi macalin aqoonta saxaafadda ka dhiga jaamacadda Cambridge. 

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM