Gabadha Aqoonta Lihi waxay ninkeeda u horseeddaa Cimri-dherer! SABAB?

0
530

LONDON (CodkaHargeysa)- Daraasad ay aqoonyahano reer Sweden ahi sameeyeen ayaa soo bandhigtay in Gabadha si fiican wax u baratay ay saamayn fiican ku leedahay fursadaha lammaanaheedu ku gaadhi karo nolol fiican oo dheer. Oorida waxbarasho ka gaadhay ilaa heer dugsi wuxu ninkeedu 25% uga halis badan yahay inuu yaraan ku geeriyoodo marka la barbar dhigo haddii ay xaaskiisu tacliinta ka gaadhi lahayd heer jaamacadeed.

Khubarada daraasadda samaysay waxay qabaan in dumarka tacliinta leh ay fahmi karaan farriimaha caafimaad ee qoysaskoodu u baahan yihiin.
gabar iyo ninMar hadii hadaba raga nolol wanaagoodu uu ku xidhan yahay heerka aqoonta ee dumarka ay guursadaan, waxay daraasadu sheegtay in dumarku iyaga laftooda ay saamayso dakhliga ragga qaba iyo kaalinta uu bulshada kaga jiro.
Xogta daraasadani ku fadhido waxa lagu ogaaday baadhis lagu sameeyey 1.5 Milyan oo ah dadka shaqeeya ee reer Sweden oo da’dooduna u dhaxayso 30-59 jir.
Cilmi-baadhayaashu waxay darseen tirakoobkii 1990 kii ee dalka Sweden waxayna raadraaceen macluumaad ku saabsan sababaha ay dad badani ugu geeriyoodaan cudurrada sida Kansarka, Wadne istaaga, Xanuunada Wadnaha iwm.

Daraasadan oo lagu soo daabacay wargeyska arrimaha caafimadka ka hadla ee Epidemiology and Community Healthcare waxay kaloo xustay in tacliinta gabadha iyo kaalinta ay bulshada kaga jirto ay uga muhiimsan yihiin ninka tacliintiisa gaar ahaaneed, iyadoo weliba raad ku leh nolosha gabadha lafteeda iyada oo 53% ay gabadha aan tacliinta ka gaadhin heer jaamacadeed uga halis badan tahay geerida marka la barbardhigo gabadha jaamacadda kasoo baxday.

Qorayaashu waxay sheegeen in tacliintu si toos ah ula xidhiidho caafimaadka qofka halka ay si aan toos ahayn ula xidhiidho fursadaha shaqo iyo dakhliga qofka.
Sababta hadaba aqoonta gabadhu ula xidhiidho nolosha ayaa ah in gabadha wax baratay ay si fiican u taqaano noocyada cuntada ee jidhka u wanaagsan ee qoyskeedu u baahan yahay iyo weliba daryeelka caafimaad ee ubadkeeda iyo saygeeda. Waxa kale oo laga yaaba in ay hesho daryeel caafimaad oo aad u sarreeyaa taasna ay ka faai’daystaan xubnaha qoyskeedu gaar ahaan haddii ay aqoon sare leedahay.

Daraasadu waxay cadaysay in caafimadka, qaabka nolosha iyo caafimaadka raaga ama mudo badan jira ay si dhaw isugu xidhan yihiin.
“Hadii ay dhab inaga tahay kor u qaadida caafimaadkeenu waa in aynu si mug leh u maalgelinaa tacliinta tayada leh dhammaan heerarkeeda kala duwan,” sidaa waxa qaba Professor wax ka dhiga kuliyadda Caafimaadka ee jaamacadda Cambridge ee waddanka Ingiriiska.

Guntii iyo gebagebadii, waxa hubaal ah in markasta oo tacliinta qofku, rag ama dumar kuu doono ha ahaadee, ay kor u kacdo in caafimaadka bulshaduna kor u kacayo sidoo kalena heerka noloshu fiicnaanayso ayna dhici karto in cimriga ama da’da qofku noolaanayo ay korodho. Waxa kale oo cad ahmiyadda ay leedahay waxbarista dumarka waayo waxay si toos ah ugu faa’idaynayaan qoysaskooda una daryeelayaan caafimaadka ubadkooda, tayada cuntada ay quutaan iyo qaab nololeedkooda in ka badan waxa ay tarto gabadha aan aqoonta badan lahayn.

Sidoo kale waxa aan shaki ku jirin in marka qofka cuntadiisu xumaato ama ay noqoto mid aan dheeli tirnayn lahayna waxyaabaha aasasiga u ah koriinka iyo difaaca jidhku uu qofku halis u noqdo ama u jilco xanuuno badan kuwaas oo daciifiya awooddiisa, caafimaad-qabka iyo habsami-u-socodka shaqooyinka ay qabtaan unugyada kala duwan ee jidhka isla markaana ku keeni kara geeri degdeg ah.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM