Daraasad daah-furtay Ragga iyo haweenka kooda ku dheereeya beenta

0
405

Sheegista beentu waxay ka mid tahay waxyaabaha diinta Islaamka ay inaga xarimtay, hase yeeshee waa aadane iyo caadadiisee lagama waayo in uu doc ama hareer maro wax badan oo laga digay inay dambi tahay.

Beenta qofku uu sheego waxa lagu tirayaa inay tahay waxyaabo ku yimaadda siyaabo kala duwan; ha ahaato mid ku-tala gal ah iyo mid kale oo si kale ku timaadda.

women and menDaraasad dhawaan ay sameeyeen koox cilmi baadhayaal ah ayaa lagu ogaaday ragga iyo haweenka kuwa ugu badan ee beenta sheega iyadoo waliba lagu sii sameeyey baadhitaan ereyada iyo dhacdooyinka ugu badan ee ay ka been sheegaan.

Daraasaddan oo ay sameeyeen koox cilmi baadhayaal u dhashay Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in 42 jeer ay raggu been sheegaan todobaadkii, iyagoo waliba beentaasi u sheega lamaanahooda, dadka ay wada shaqeeyaan ama madaxdooda, taasi oo ka dhigan in raggu ay 2184 jeer sanadkii ay been sheegaan.

Haweenka ayaa lagu sheegay daraasadan inay been sheegaan 3 jeer maalin kasta taasi oo ka dhigan sanadkii inay sheegaan beenta 1092 jeer, waxaana la sheegay in been sheegidu habka ugu fudud ee lagu ogaadaa ay tahay garashada luuqaadka jirka (body language).

Wargeyska the Guardian ee ka soo baxa magaalada London oo warbixintan qoray ayaa qoray in ereyga ugu badan ee haweenku ay isaga midka yihiin marka laga hadlayo been-sheegida ay ugu badan yahay hadalka ah “Wax dhib ah ma jiro, waan fiicnahay”.

Daraasadan oo laga sameeyey filim ay maalgalisay shirkada caanka ah ee sameynta filimada ee 20th Century Fox Home Entertainment ayaa waxaa laga sameeyey documentary la magac baxay Lie to me.

 “Garashada ama fahamka xubnaha jidhka (Body language) waa habka ugu weyn ee lagu ogaan karo in uu qofku been sheegayo inkasta oo inta badan dadku aanay garan dareenka been-sheegaha lagu ogaan karo,” sidaasi waxaa sheegay Richard Newman oo ah khabiir ku xeeldheer fahamka jidhka. Waxa kale oo uu intaas ku daray,  “Beenaalayaashu waxay mar kasta isku dayaan inay wax been ah kaaga dhigaan run, iyagoo mar marka qaar eegaya shucuurtadada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Richard Newman .

Ragga ayaa la sheegay in xilliyada ay ugu been sheegid badan yihiin ay tahay marka ay joogaan meelaha lagu cabo cabitaanada, halka haweenka la sheegay in inta badan ay ka been sheegaan iibsashada dharka.

Waxyaabaha ugu badan ee lagu ogaado been sheegidda ayaa waxay daraasadu ku tilmaamtay qofka beenta sheegaya oo indhaha ka mirig-mirig siiya, qosol yar oo ka soo fakada haba ahaado dhoolo cadeyn, dhinacyada oo uu eeg-eego, kala hadal ku dhaca, hadalka oo mar mar ku dhega, dhidid xaalada been sheegiddaasi ku salaysan oo ka soo yaaca wajiga sare, iyo waliba kalsooni darro.

Ereyada ugu badan ee raggu adeegsadaan marka ay beenta sheegayaan

1. Waxba igama qaldana, waan fiicnahay

2. Tani waa tii ugu dambeysay

3. Waxba kama qabo

4. Batarigaa iga dhacay

5. Waan ka xumahay, waan gafey wicitaankaaga

7. Jidka ayaan ku soo jiraa

8.Sidaasi qaali uma aheyn

9. Traffic ayaa i xanibay


10: Tareenka iga soo daahay

11: Alarmiga ayaan iga dansanaa

Hadalada beenta ah ee habluhu badiyaa adeegsadaan.

1. Waxba igama qaldana, waan fiicnahay

2. ALLA, tani ma ahan wax cusub, horey ayaan u haystey

3. Sidaasi qaali uma ahan

4. Beec ma aheyn

5. Jidka ayaan ku soo jiraa

6. Ma aqaan meel ay taal, ma taaban waxaasi

7. Madaxaa I wareeraya

8. Maya, ma tuurin (xoorin)

9. Waan ka xumahay, waan gefay wicitaankaaga

10: Lambarkaaga si qaldan ayaan u qortey

11: Waan ku soo wacayaa