Dabeecad ahaan waxa aynu ognahay inaynu waxa ku maqalno dhagaheenna, haseyeeshee, daraasad cusub ayaa sheegaysa inaynu wax ku maqli karno maqaark. Daah-furka daraasadda oo ku salaysnaa tijaabooyin lagu sameeyey dadkii ka qayb-galay oo la dhagaysiiyey dhawaaqyo isla markaana maqaarka dushiisa lagu afuufay hawo, waxa ay soo jeedinaysaa in maskaxdeenu macluumaadka isaga keento dareemo kala duwan si ay sawir uga samayso waxa innagu xeeran.
Cilmibaadhista oo kaashanysa baadhitaan kale oo dhawaan la sameeyey, waxa ay meesha ka saaraysaa aragtida soo jireenka ah ee laga qabo sida aynu u kala soocno dhawaaqyada kala duwan oo loo adeegsanayo unugga aasaaska u ah maqalka ee dhagaha. “Natiijada cilmibaadhistani way ka duwan tahay fikradaha caado ahaan ku salaysan inaynu indho leenahay oo wax ku aragno, inaynu dhago leenahay oo ay innaga caawiyaan maqalka. Taasina waa fikrad aan u arko inay habow tahay,” sidaa waxa yidhi Bryan Gick oo daraasadda hoggaaminayey kana tirsan jaamacadda British Columbia ee ku taal magaalada Vancouver ee waddanka Kanada.
“Halka ay u fahmayno inay leenahay indho aynu wax ku aragno iyo dhago maqalka innaga caaiya, fikradda caqli galka ah ee ay tahay in loo fikiraa waa inaynu leenahay maskax wax kala garanysa,” ayuu khabiirku hadalkiisa raaciyey.
Cilmi-baadhistan ayaa ku dhisan daraasad hore oo tilmaamaysay inaynu jabaqda arki karno, ileyskana maqli karno, xataa haddii ogaansho la’aani jiro. Daraasado kale ayaa iyaguna muujinaya in haddii aad u kuur-gasho dabnaha qof kale oo hadlaya kaana durugsan isla markaana aad rabtid ogaanshaha kelmadaha uu ku hadlayo, isla markiiba waxa toosaya oo firfircooni samaynaya qaybta maqalka qaabilsan ee maskaxda.
Haddaba, si ay u xaqiijiyaan natiijada cilmi-baadhistooda, kooxdan khubarada ahi waxa ay tijaabiyeen codadka xuruuf ay ka mid yihiin “pa” iyo “ta” kuwaas marka lagu dhawaaqayo afka uga soo baxa sida dhawaqa hawo aan la maqli karin, waxaana sidoo kale la barbar dhigay dhawaqa codadka sida “ba” iyo “da” oo laftigoodu la mid noqday. Dadkii tijaabada ka qayb-qaatay oo dhammaantood indhaha laga daboolay waxa la dhagaysiiyey cod nin oo la duubay kaas oo mid mid ugu dhawaaqaya afarta dhawaaq ee kor ku xusan, waxaana qof kasta loo sheegay inuu dareen tilmaameed muujiyo marka uu maqlo mid ka mid ah codadkaas.Tijaabada ka dib, dadkii waxa ay u qaybsameen saddex kooxood oo mid ka mid ah ay codadkaas maqleen markii hawo lagu afuufay gacantooda, kooxda kale hawo lagaga afuufay qoorta halka kooxda saddexaadna ay codadkaas maqleen iyada oo aanay wax hawo ahi la socon. Ku dhawaad 10% wakhtiga markii hawada lagu afuufay maqaarka sare, dadkii ka qayb-galay waxa ay isku khaldeen dhawaaqyada afartii cod oo laba ka mid ah marka lagu dhawaaqyo hawo la socoto. Taas oo ka dhigan in markii lagu dhawaaqay “ba” ay qaarkood u qaateen inay maqleen “pa”.
Ugu dambayntii, khubarada cilmibadhistan samaysay ayaa sheegay inay kaashanayaan khubaro ka socota jaamacadaha California iyo San Francisco si ay u xaqiijiyaan sida ay maskaxda ugu suurtogasho isku-jirka dareemada kala duwan.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM