Hargaysa (CodkaHargeysa)- Qaar Ka Mid ah Aqoonyahanada Deegaamada Gobolka Saaxil Ayaa Maanta Waxaa Ay Ka HAdleen Isku Shaandhayntii uu Madaxweyne Silanyo Ku Sameeyey Habeenkii Xalay Golahiisa Xukuumada Isla Markaana uu Xil Ka Qaadista Iyo Magcaabista Ku Sameeyey Waxaana Ay Mahadnaq Iyo Taageero Ku Sifeeyeen Isku Shaandhayntaasi.
Baaqan Oo Kasoo Baxay Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, Haweenka,Cuqaasha,Qurbajoogta Iyo Dhamaanba Inta BAdan Shacabka Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Ayaa Ay Halkaasi Waxaa Ay Hanbalyo Iyo Bogaadin Aan Lasoo Koobi Karin Dusha Ka Huwiyeen Cali Maxamed Cilmi oo Ahaa Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil.
Waxaana Ay Halkaasi Hanbalyo iyo Bogaadin uga Soo Jeedinayeen Xilka Loo Magcaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo loo Igmaday Inuu Ahaado Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha
Cali Maxamed Cilmi Ayaa Ay Waxgaradkani Ku Sifeeyeen Inuu Yahay Siyaasi Ruug Cadaa Ah,Waayarag Ah Isla Markaana Xilkiisa Uga Soo Baxaya Sidii Loogu Doortay Wuxuuna Ku Caana Maalay Awoow Ka Awoow Talada Iyo Hogaaminta Maadaama uu Ka Soo Jeedo Reer Samotalis ah
Cali Maxamed Cilmi Waxaa Ay Ku Sheegeen Inaanu Ahayn Nin Looga Bartay Xaalad Abuur Iyo Kicin Dadweyne Wuxuu Damiyo Mooyaane Waxaana Taasi Gartay Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Asiibay Xil Magcaabista Cali Maxamed Cilmi Isagoo Ku Soo Beegmay Waqtigii Loo Baahnaa Isagoo Masuulkani Buuxin Doona Booskii Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Xilkaasi Laga Eryay Markuu Gudan Kari Waayay Waa Siday Sheegeene.
Ugu Danbayntii Waxaa Ay Ilaahay Uga Baryeen Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi Inuu U Fududeeyo Xilkaasi Loo Igmaday Ilaahayna Ku Garab Galo
Magacyada Waxgaradka Baaqan Soo Saaray
Eng Cali Maxamed Xoorxoor Maareeyaha Dekeda Berbera.
Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye Agaasimihii Hore Cashuuraha Beriga.
Cali Axmed Kooshin
Cumar Cali Xuseen Buraale
Cabdirisaaq Cali Xuseen
Xildhibaan Siciid Cartan
Xildhibaan Waysacade
Xildhibaan Dable
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
Xildhibaan Cawl Cabdilaahi Beegsi
Cawil Cawl Cabdilaahi Beegsi
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh
Suldaan Cabdilaahi Ismaaciil Aaden Dirays
Caaqil Jaamac Muuse Geedi
Maxamed Cali Cumar Halaasi
Sheekh SaLeebaan Maxamed