Somaliland oo markii u horreysay Diiwaan-gelin ku samaynaysa Dadka dhinta iyo Carruurta Dhalanaysa

0
333

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay ka hirgelinaysa dalka diiwaan-gelin lagu samaynayo dadka Geeriyooda ka hor inta aan la aasin iyo carruurta dhalata, taas oo ujeeddeedu tahay in lagu jaan-gooyo adeegyada bulshada ee loo baahan yahay iyo sidii loo socon lahaa tira-koobka guud ee dalka.

agaasiamhaDiiwaan-gelintan oo qayb ka ah Diiwaan-gelinta Guud ee loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto bishan May, waxa fulinaysa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa hay’ado Caalami ah iyo ururro Maxalli ah oo dalka gudihiisa ka hawl-gala.

Qorshaha lagu hir-gelinayo diiwaan-gelintan oo noqonaya tii u horreysay ee nooceeda laga sameeyo Somaliland, ayaa la sheegay inay ku bilaabmayso wacyi-gelin hooyooyinka lagu dhiirri-gelinayo inay ku umulaan xarumaha caafimaadka  si loola socdo tirada dhalasha ee saxda ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Cismaan Axmed, ayaa tafaasiil ka bixiyey muhiimadda ay leedahay iyo qaabka loo hirgelinayo  diiwaan-gelintan, ayaa sheegay in diiwaan-gelintan looga dan leeyahay sidii loogu salaysan lahaa qorsheyaasha Caafimaad ee Shanta sanno ee wasaaraddu ugu talo-galay horumarinta adeegyada caafimaadka, taasina ay ka caawin doonto in laysku sar-gooyo baahiyaadka iyo maamulista adeegyada caafimaad.

“Waxa loo gol-leeyahay in lagu ogaado inta qof ee ku soo kordha dalkeena iyo inta qof ee ka baxda iyo sababaha ay u dhintaan. Laakiin, qorshahan macluumaad raadintu waxa uu qayb ka yahay qorshaha shanta sanno ee Caafimaadka ee aanu ku horumarinaynay adeegyada kala duwan, taas oo isugu jirta inaanu mar u horreysa xog helno, macluumaad aanu ku salaynayo baahiyaadka iyo maamulka qorshayaasha caafimaad,” sidaa waxa yidhi  Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Somaliland Dr Cismaan Axmed oo u warramayey wariye Cabdirashakuur Xaaji Muxumed Heersare oo ka tirsan Idaacadda Radio Hirad oo xarunteedu tahay magaalada Hargeysa, taas oo ay soo saarto Hay’adda dhinaca tabobarrada ka caawisa suxufiyiinta Soomaalida ah oolagu magacaabo Free Press.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM