Nairobi (CodkaHargeysa)- Raysal-wasaarihii hore ee Kenya Raila Omollo Odinga oo maalmahan ka hadlayey xaaladda Soomaalida ku nool dalka Kenya ee ay Ciidammada dalkaasi dhibaatada xooggan u geysanayaan, ayaa markale sheegay inaanay habboonen qabka ay wax ku wadaan Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Raila Odinga sidoo kale, waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inay dhib badan la kulmayan Soomaalida ku nool dalka Kenya, dhibtaas oo u sheegay inay u geysanayaan Ciidanka ammaanka Kenya.
Odinga, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu la hadlay Idaacadda VOA-da, waxaanu sidoo kale tilmaamay in ay jiraan qaabab kale oo lagu waajihi karayey ama lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo intaas ku daray in Soomaalidu aanay metelin ama ka tirsanayn kooxda Al-shabaab.
Raysal-wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo hadalkiisu u muuqdo inuu danaynayo Soomaalida, waxa uu hawl-gallada Booliska Kenya ay ku bartilmaameedsanayaan Soomaalida ku dhaqan waddanka Kenya, gaar ahaan Caasimadda Nairobi, ku sheegay inay yihiin kuwo nasiib-darro ah, isla markaana muujinaysa siyaasad-xumada dawladda dalkiisa hoggaamisa ee uu Madaxweynaha ka yahay ninkii doorashada isaga kaga guulaystay wakhtigii ay tartanka galeen 2012-kii ee Uhuru Kenyatta. Waxaanu soo jeediyey in sida Soomaalida loola dhaqmayo wax laga beddelo.
Odinga waxa uu sheegay in ay jiraan dad Kenyaati ah oo ka tirsan amaba xidhiidh la leh kooxda Al-shabaab.
Mar uu ka hadlayey khilaafka diblamaasiyadeed ee soo kala dhex-galay Soomaaliya iyo Kenya, waxa uu sheegay inuu ka xun yahay, isla markaana uu ku talinayo in si taxaddir leh xal looga gaadho khilaafkaas diblamaasiyadeed oo gaadhay heer ay dawladda Soomaaliya Safiirkeedii Nairobi u fadhiyey u yeedhato.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo isagu arrimahan ka hadlay dhankiisa, waxaa uu sheegay inuu socdo wada-hadal u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hay’adda qaxoontiga Adduunka, kaasoo ku saabsan sidii qaxoontiga Soomaalida ah ay dalkooda ugu laaban lahaayeen iyaga oo aan la khasbin, lana raacayo shuruucda caalamiga ah ee u degsan qaxoontiga.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu kala hadlay dawladda Kenya inay dhawrto xuquuqda iyo hantida dadka Soomaalida ah ee dalkeeda ku sugan. Waxaa Madaxweynaha Soomaaliya xad-gudub dibloomaasiyadeed ku tilmaamay xadhig Booliska Kenya ay u geysteen Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi Siyaad Maxamuud Shire.
Hase-ahaatee, waxa uu sheegay inay qoraal dacwad ah u gudbiyeen dawladda Kenya oo la xidhiidha arrintaas, waxaanu sheegay sababta yeedhmada Safiirka iyo Qunsulka dawladdiisa u fadhiyey Kenya ay tahay xog-waraysi iyo wada-tashi, isla markaaa rejaynayo in guul laga gaadho wadahadalka u socda dawladda Soomaaliya iyo Kenya. Isagoo sheegay inay jawaab cad ka sugayaan oo ay ka bixiso dawladda Kenya inay ka bixiso sababta keentay xadhigga Qunsulka Soomaaliya ay Booliska Kenya u geysteen.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM