Hargeysa (CodkaHargeysa)- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa xukun dil ah ku ridday shalay Hooyo iyo Saddex Carruur ah oo ay dhashay, ka dib markii uu ku caddaaday inay fuliyeen dilka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo Meydkeeda labadii bishii saddexaad ee sannadkan laga helay Deyrka gurigooda oo ku yaalla Xaafadda New Hargeysa oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.
Xaakinka gacanta ku hayey kiiskan, ayaa maanta ku dhawaaqay xukunka Maxkamaddu ku ridday Hooyo Muuna Maxamed Cabdillaahi iyo saddex Carruur ah oo ay dhashay oo uu sheegay inay Maxkamaddu qisaas dil ah ku xukuntay, halka laba Ruux oo kale oo mid ka mid ahi ka tirsan tahay Carruurta ay dhashay Gabadha la xukumay iyo Nin Booliska Marin-habaabiyey, sida uu Xaakinku sheegay.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Faysal Maxamed Cabdillaahi (Faysal-Dhaga-Dhago) oo ku dhawaaqaya xukunka ay Maxkamaddu ka gaadhay dadkaa eedaysanayaasha ahaa, waxa uu yidhi; “1- Muuna Maxamed Cabdillaahi Ina Faadumo Cali 37 jir ah waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay qisaas dil ah, 2- Maxamed Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed Cabdillaahi waxay Maxkamaddu ku xukuntay qisaas dil ah, 3- Sakariiye Axmed Cabdi oo ah Ina Muuna Maxamed 19 jir ah waxay Maxkamaddu ku xukuntay qisaas dil ah, 4- Farax Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed oo 19jir ah waxay Maxkamaddu ku xukuntay qisaas dil ah.”
“Waxa kale oo ay Maxkamaddu ku xukuntay Hana Cabdisalaan Ismaaciil Ina Muuna Maxamed 17 jir ah toban sano oo xadhig ah, iyadoo ciddii 18 jir ka weyn ee faldami dil ah geysata Sharcigu dhigayo in qisaas dil ah lagu fuliyo, ciddii 18-jir ka yar-na xadhig baa loogu beddelaa, xadhiggaasina waxa uu ka bilaabmayaa lix sano illaa shan iyo toban sano, markaa toban sano ayaannu iyada uga dhignay, annaga oo u cuskannay qodobbada sharci ee dhigaya..” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Guddoomiye Faysal-Dhaga-dhago, oo xukunkaa sii akhriyayaa waxa uu yidhi; “Kalsoon Xaaji Maxamed Xirsi oo iyaduna ku eedaysnayd qodobbada dilka ah oo ay Masabbidday Gabadha Muuna ee aannu dilka ku xukunnay, waxaannu u soo celinnay xorriyaddeedii, sababtoo ah baadi-goobkii ay baadi-goobaysa Marxuumad Ruqiya ciddii dishay, ayay ugu soo dartay kiiskaas, ka bacdi markii Xafiiska Xeer-ilaalintu wax caddayn ah keeni waayey, waxaan isku raacnay in xorriyaddeeda loo celiyo.”
”Cabdisaalaam Ismaaciil Maxamed Ina Faadumo oo ah Ninkii qabay Muuna Maalintaas uu dilku dhacayey waxa uu ku maqnaa magaalada Berbera, muu ogeyn, muddo bil ahna Gabadha ayay kala maqnaayeen oo Gurigaba muu seexan jirin, isagana xorriyaddiisii ayaannu u celinnay. Maxamed Xasan Cabdi oo lagu eedeynayey Qodobka 297 oo markii la baadi-goobayey Booliskii baadhista waday iyo Eheladii Marxuumadda Majaro-habaabiyey oo yidhi; ‘waxaan Raaqiya ku arkay iyadoo maraysa Tuulada Kala-baydh’. Markaas, waxay Maxkamaddu ku xukuntay sannad xadhig ah, sidaas ayaanay Maxkamaddu xukunka ku soo saartay maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay (ahayd) 3/5/2014ka (saddexda May sannadka 2014-.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Faysal-Dhaga-dhago.
Guddoomiyaha Maxkamadda oo ka hadlayay inta derajo ee ay marayaan xukunka dilka ah ee ay Maxkamaddu ridday maanta, waxa uu yidhi; ”Dacwadaha dilka ah qasab waxa ay maraan saddexda Maxkamadood illaa saddexda Maxkamadoodna Isku Raacaan in qofkaas la dilo laguma fulin karo Qisaas, markaas ayuu Xeer-ilaaliyaha guud Madaxweynaha hor-dhigayaa oo uu soo saxeexayaa.”
Haweenayda iyada iyo Carruurta ay dhashay ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku ridday Xukunka dilka ah, ayaa la soo qabtay dhawr maalmood ka dib markii Allaah ha u naxariistee ay qoyskeedu waayeen Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo Gabadhaas Muuna la yidhaahdaa goor subax ah 24-kii bishii labaad ee Sannadkan Taleefanka kala soo hadashay, isla markaana ugu yeedhay Gurigeeda iyadoo u sheegtay inay u hayso Dayn Lacageed oo ay Ruqiya ku lahayd gabadhaas muddo, ka dibna markii ay Marxuumad Ruqiya Dayntaas doonatay ee ay gaadhay Guriga Muuna ay cid ugu dambaysay Raq iyo Ruux illaa 2-dii bishii saddexaad ee Marso oo Meydkeeda laga soos aaray God looga qoday deyrka Guriga ay Muuna iyo qoyskeedu degganaayeen oo ku yaalla degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM