Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay inay shacabku xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalayn cabudhinta iyo dagaalka uu ku wado madax-bannaanida Saxaafadda dalka oo uu sheegay inay ka mid tahay waxyaabaha shacabku dagaalka qadhaadh kagala hortageen taliskii Siyaad Barre.
Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad lagu xusay maalinta xoriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida Saxaafadda Adduunka oo bisha May 3-deeda laga xuso Caalamka, waxa uu sheegay inaanay dadku ka yeeli doonin xukuumadda Siilaanyo inay ku tumato xoriyadaha helitaankooda loo dagaalamay oo qoriyatul-qawlku ka mid yahay.
HALKAN KA DHEGAYSO
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM