Havana (CodkaHargeysa)- Xukuumada dalka Kuuba ayaa la sheegay inay aqbashay qorshe masaajidkii ugu horeeyey lagaga dhiso dalkaa, ka dib booqasho wefdi ka socda hay’adda Arrimaha Islaamka Turkigu ku tageen kaga hadleen sidii muslimka ku nool dalkaasi u heli lahaayeen masaajid ay ku tukadaan.
Masaajidkan cusub oo ku tukan doonaan muslimiin gaadhaysa 3,500 oo ku nool caasimada wadanka Kuuba ee Havana ayaa hore cibaadooyinkooda ku gudan jiray guryahooda.
Yuksel Sezgin, afhayeen u hadlay hay’adda Arrimaha Islaamka ee Turkiga ayaa sheegay in dhismaha masaajidkan cusub laga binayn degmada dhismayaasha taariikhiga ee caasimada Havana.
Luis Mesa Delmonte, khabiir u dhashay dalka Kuuba oo wax ka dhiga jaamacad ku taal dalka Mexico ayaa sheegay in wadanka Kuuba qorshaynayey inuu dhiso masaajid muddo hore balse markuu u waayey dhaqaale, ka codsaday Turkigu inay dhisaan.
Dhismaha masaajidkan ayaa qeyb ka ah qorshe hay’adda TDV ugu dhisayso muslimiinta ku nool wadamada Laatiin Ameerika. Mashruuc kaloo masaajid lagaga dhisayo dalka Haiti ayaa dhamaan doona dabayaaqada sannadkan.
Codkhargeysa.com
info@codkahargeysa.com