Jabuuti (CodkaHargeysa)- Dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay dhuumo biyaha la cabo ah u soo gudbin doonaan dalka, sida Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Itoobiya xaqiijiyey, taasoo labaynaysa korontada oo hore Itoobiya ugu soo dhoofisay.
“Shirkad Switzerland ah iyo dublamaasiyiin Kuwait ah ayaa nala soo xidhiidhay, waxaanay booqanayaan Jabuuti si ay wada xaajood dheeraad ah ula yeeshaan,” ayuu safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya Maxamed Idiris u sheegay wakaalada wararka Anadolus Agency.
Wefdi ka socda shirkada Mai Resources International iyo dublamasiyiin Kuwait ah ayaa la sheegay inay kulmeen Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome iyo wasiirka Biyaha Alemayehu Tegenu kana wada hadleen tafaasiisha mashruucan.
“Mashruucani saamayn kuma laha biyaha webiga Niile, mashruucan waxa laga samaynayaa barriga Itoobiya, masaafo gaadhaysa 1165km ayuu ka fog yahay biyaha webiga Nile,” ayaa lagu sheegay qoraal safaarada Kuwait ee Itoobiya soo saartay.
Mashruucan biyaha ayaa la filayaa in laga soo qaado magaalada Adigala oo ku taal kililka Soomaalid aItoobiya, sida safiirka jabuuti sheegay.
Sannadkii 2013 ayaa wadamadda Jabuuti iyo Itoobiya la sheegay inay ku heshiiyeen sidii biyaha Itoobiya loogu soo dhoofin lahaa Jabuuti.
Sida heshiiskaasi dhigayo, Jabuuti ayaa soo dhigi doonta masaafo gaadhaysa 70 km dhuumaha biyaha ka soo qaada magaalad aAdigala ee Itoobiya ilaa xuduudka jabuuti, lana gaadhsiin doono caasimada Jabuuti.
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com