Sirta ku qarsoon in aad danaynayso dhago-nuglaanta qof aad rabto qabashada hawl aad u dirayso ayaa ah adiga oo fariinta u mariya dhegtiida midig. Sidan waxa lagu sheegay daraasad ay dhawaan sameeyeen culimada sayniska waddanka Talyaaniga.
Habkan oo lagu tilmaamay faa’idada ay leedahay dhegta midig, taas oo ay rumaysan yihiin aqoon-yahannada daraasadda sameeyey maxaa yeelay maqalka soo gaadha dhegta bidix waxa ku shaqo leh qaybta bidix ee maskaxda taas oo ku wanaagsan duubista iyo tarjumidda xogta ficil ahaan loo sameeyo marka loo eego qaybta midig ee maskaxda. Cilmi baadhayaashu intii ay daraasadda ku gudo jireen waxa ay u kuur-galeen sida ay dadku u dhagaystaan xaaladaha dabiiciga ah iyaga oo eegaya sida ay jawaabta uga bixiyaan.
Kooxda Cilmi baadhayaasha ah oo ay hoggaaminayaan Dr. Luca Tommasi iyo Daniele Marzoli oo labadooduba ka tirsan jaamacadda Chieti ee badhtamaha Talyaaniga, waxa ay u kuur-galeen dabeecadaha boqolaal qof oo isugu yimaadda saddex goobood lagu caweeyo. Marka ay aadaan goobahaas lagu caweeyo, dad aanay aqoon u lahayn oo ka badan 176 qof ayey mid walba waydiiyeen xabbad sigaar ah iyaga oo marka ay ka codsanayaan hadalka kala marayey dhegta bidix. Waxa ay sheegeen in ay sigaar badan heleen marka ay codsigooda qofka u mariyaan dhegtiisa midig marka loo eego codsiyadii ay ku gudbiyeen dhegta bidix.
Natiijada cilmi-baadhista ayaa xaqiijiyey in dhegta midig ay faa’ido u leedahay xoojinta xidhiidhka isgaadhsiineed isla markaana ay leedahay rajo marka aad qof wax ka codsatid adiga oo u marinaya dhegtiisa midig. Maadaama oo dhegta midig faa’ido u leedahay aqbalaadda codsiga qofka isla markaana ka wanaagsan tahay ta bidix, waxa kale oo ay culimadu xaqiijiyeen in tani aanay ka madhnayn lammaanaha jacaylku ka dhexeeyo isla markaana dalabkooda uu midba ka kale waydaarsanayo ay sii xoojiso isaga oo codsiga u marinayo dhegta midig ee lammaanihiisa.
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com
Qormooyinka Arrimaha bulshada iyo Madadaallada