God Baa Qof Lagu Riday, Shaqaalahaa Laga Ganacsadaa ,Waxaan Dhawaan Websetyada Ka Akhriyay Sheeko Oguba Oo Hore Looga Hadal Oo Magaceedu Ahaa=Ganacsadaha, Shaqaalihiisa Iyo Maxkamada Kee Baa Khaldan?
Arrintan hore looga hadal ee Qaraagu xogta badan ku soo bandhigay hadaan Riyigayga ka dhiibto aniga riyo ayay ila tahay sidii Gabadhii Godka lagu riday ilaa aan Telefayshinka ka daawaday.
Sidaa darted, inkastoo Qaraagu tirade shaqaalaha ganacsaduhu xidhay tiradooda guud sheegin hadana waxa Tusaale inoogu filan Jamacada Boorama Ardayda ka soo baxday oo kaliya in 9 qaf inka badan ganacsaduhu xidhay, ilaa hadana ganacsaduhu kamuu hadal arintan in ay jirto iyo inkaletoona.
Intaa ka dib, waxaan iswaydiyay Jamacada Boorama Ardayda ka soo baxday ma wada Tuug baa, maadaama ganacsade kaliya ka xidhay 9 qaf in ka badan? Jawaabta waxaan u dhaafayaa Jamacada iyi Ardaydii wax ka baratay maadaama Jamacadu ogu da,wayn tahay jamacadaha s/land.
Sidoo kale, waxaan iswaydiiyay maxkamaduhu marna ma iswaydiiyeen ganacsadaha maamulihiisu sanadkasta iyo bilkast maxkamada hor taagan yahay sidii looyarada, isagoo shaqaalihii EEdaynaya maxaa ka siya? Habase ahaatee waxaan soo dhega dhegayay maxkamaduhu wax ay iswaydiyaan iska daayoo waxa laaluush lagu bixiyaa in Garsooraha dacwada qaaday lagu qaro.
Shaqaalaha waxa lagu xukumaa inta ganacsaduhu soo qarto ayaa laysla dhexmarayaa.
Intaa ka sakaw,maxkamadu waxay ka sii yaabtay, Xeer ilaalintii Qaranka oo xeerkii qaranka ee loo igmaday ku noqatay XAr Xeerka Qaranka Gala ahna Xoolo ilaaliyaha maalqabeenada qaranka.
Waa su,aal dawaynoo madaxa daalinaysee, Haday dawo Bukooto maxaa lagu Dabiibaa, adoo degan u fiirsoo Dad waynahaa la waydiin?
Isku soo wad duuboo, haday jirto arintani waxaynu odhan karnaa waa ganacsi ku cusub dadka iyo dalka oo hada Daaha laga fayday waliba shaqaalaha Hantida lagu xukumo ilaa qayskoodu ka bixiyo lama sii dayn karo xataa cafiska madaxwaynaha.
Gabogabo, madaxwayne maadaama kuwii aad cadaalada u igmatay ganacsigan in ay xalaaleeyeen lagu eedaynayo, waxaan kaa codsanayaa inaad Arintan siday wax ogu jiraan Gudi miisaan culus u saarto si xaqiiqda loo soo ogaado,hana ka aamusin cid kale uma maqna ceelna uma qadna, ku darsoo cidii ka hadasha cankaa loo buuxiyaa ama waa lala coloobaa hadaan looba caga juglayn.
ALLA MAHAD LEH
MOWLIID AXMED JIBRIIL
xaqsheeg@hotmail.com