Afartan Sanno oo Kelinimo ah – W/Q: Cabdifataax M. Axmed

0
427

Dadka badan ee la Joogaa uma muuqdaan,Indhihiisu Markasta wax ay qabanayaan Asxaab,Ehel,Waalid iyo Walaalo iyo Guud ahaan Dad garanaya Bulshadiisa meelkasta oo u tago,Wakhtiyada guriga uu Joogo Maqsin kasta oo uu Galo wuxu ugu tagaa oo uu kula caweeya,wax kula cunaa,Sheekeystaa,Tvgina kula daawada Qoyskooda,Dadkaasi oo dhami Qalbigiisa iyo Nafsadiisa Ma siiyaan Wehel uu ku dego kuna Xasilo,Keliya Indhihiisa oo aan Mararka qaar Rabin ayey u Muuqdaan oo Arkaya.Cidlanimo Ayuu Dareemayaa Waxaana markasta ku sii siyaadaya kuna sii badanaya Xaalad iyo Jewi Kelinimo oo Culeys iyo Fekir badan ku haya.

Waa Keligii oo Lamaane  iyo Qoys gaar ah muu Dhisan,Keligii Ayuu yahay oo cidna Kama Fekirto Cidna Ma sugeyso,Maqsinkii Yaraa iyo Sariirtii Kelida aheyd Ayuu Habeenkasta ka sii Werweraa,Weli Miyaad Joogtaa,Miyaanad Dhaqaaqeyn iyo Wakhtibaa kugu Socda Ayaa Dadka sida Madaxa banaan Talooyinka iskaga bixiyaa Kaftan uga dhigaan.Intaad Yartahay,Maxaa ku Heysta,Miyaad Cabsooneysaa,Qeyrkaa Ubad ayey Heystaan,Adiga hadhey,Jaarka oo leh Weli inankii Cid ma keenay iwm Waa Kelmadaha aanu Jecleyn in lagu yidhaahdo laakiin uu isagu Hoosta ka og yahay.

Afartan Sanno Ayaa ka soo Wareegay Maalintii uu Aduunyada ku soo biirey,Wax badan oo Nolosha ka mid ah Ayuu rabey in uu Qabsado ka hor inta aanu Qoys Muslin ah Dhidibada u taagin,Hamigiisa in uu Guri helo,Dhaqaale Lacageed Helo,Ganacsi Furto,Aqoonyeesho,Qoyskooda gacan qabto,Shaqo Joogto ah oo Masruuf laga helana Raadsado Ayaa In badan Maskaxdiisa ka Mashquulin Jirtey Sameynta Reer iyo La noolanshaha si degdeg ah Gabadh uu Islahaa Kiro hala gelin.Wuu wadey,In badana wuu Wadey,Aduunyadiina Ma tobnoobeyso oo wixii Ayaa isku gaadhi la,Cimrigiisiina wuxuu Taagan yahay 40 Gu.

Markaad Dhaafto Wakhtiga Dhalinyarnimada Sheekada iyo Haasaawuhuna Ileen wuu sii Adkaadaa oo Maanta waxba kuma Dhici karo in lala Hawlgalo Mooye,Kuwii ka yaryaraa Ayaa dhaafey oo Leh Rug iyo baro ay ka soo Toosaan oo gaar ay u yeesheen,Maxaad u guursan laadahay Maxaad kaga Jawaabi kartaa Ayuu Markasta is weydiyä.Weli qof aan ku Qanco oo Leh Dabeecadihii aan rabey Kuma Jawaabi karo,Shaqo la,aan Ayaa Jirta kuma Jawaabi Karo,Caafimaad daro Ayaa Jirta kuma Jawaabi karo,Waxbarashaan ku Jiraa kuma Jawaabi karo,Xitaa Jawaabihii ayaa ka dhamaadey oo Wuu iska Aamusaa.

Xulashada badan ee Shuruudaha badan lagu xidho waxa ka Fiican Fursad Muhiim ah oo aad badbaadsato Adiga oo aan eegeynin wax badan oo kale,Qofka ugu fiican Ma jiro  waayo adiguba uguma fiicnid dadka.Deg,dega iyo Fudeydkuse uma wanaagsan Arin nololeed ama guur.Waa go,aan noloshaada aad u gaadheyso oo Mustaqbalkaaga oo dhan Saameyn ku yeelan doona.In lagu siiyo qof aanad garaneyn  oo Duco lagugu soo gabadaana Marar badan Xiisihii aad nolosha u qabtey Ayey lumineysaa.

Marar Dhowr ah oo uu u Biyeystey in uu Sannadkan Wax ku dhawaaqo Ayuu ku guuldarestey,Xidhiidhada Jaceyl ee aan Degdeg looga Midho dhalina wey Guuldareystaan,Hablo badan oo Cilmi maadi ah ku Mashquulsan oo Jaamacado ku Jira ama Shaqo raadis ah Ayaa u Dookh ahaa,Dib inoogu Dhig iyo Jaamacada aan Dhameeyo iyo Shaqo aan Helo Ayuu u nacey,Wuxuuna Akhirkii isku Qanciyey in Kuwa diiniga dhigta ee Madarisadaha Quraanka ku Jiraa ugu dhow yihiin Nolosha wanaagsan,Guurka iyo Diintaba Hablo badan oo kale.

Qofkasta oo Guursadey Maaha Mid faraxsan,Mana ah Mid ka baxey Dhibaato oo Qaar baa Dhibaato horleh faraha la gala oo Isaga dib u shaxaada Kirada iyo Caanaha caruurta oo Maalin kasta u kordhiya Khibrad iyo waayo aragnimo ku duugan Nolosha guurka iyo Halganka Xiligani uu gaarka u wato.Si aad uga baxdo Mashaakilka ku heysta maaha Marar badan ka guurso.

Dadka Reeraha leh ha Tixgeliyaan Doodabka Weli guurmeerka ah oo ha u Daayaan Noloshooda gaarka ah,Sheekada iyo Kulnadana ha loo Jiheeyo Kaftanka meel ka baxsan Guur iyo Guri Ayuu ninkani ku doodayaa,Wuuse ogyahay in uu 40 sanno Jiro kelinimona ku Jiro oo Xaalkiisu wuxuu ku Socdaa in Gabadh reerka ah oo Weynaatey la siin doono Mustaqbalka inta arintiisa Guddi loo saaro lana soo Farogeliyo.

 

Cabdifataax Maxamed Axmed

ceelaabe_10@hotmail.com