SADDEX QOYS OO MADAX KA NOQDAY DALALKOODA OO DABAR GO’AY – Qoyskii Cali Bhuuto….Q..2aad

0
464

Cali Bhuuto wuxuu noqday wasiirka arrimaha dibada ee Baakistaan sannadkii 1965-kii. Wakhtigan waxa socday dagaalkii Hindiya iyo Baagistaan. Wakhtigan waxa golaha ammaanka ka socotay doodd culus oo u dhaxaysa Baakistaan iyo Hindiya. Wuxuu ahaa nin dheer oo af-tahan ah. Hadaladiisa waxa caan noqday hadal uu yidhi, oo ahaa” madaxda dawladha dunida saddexaad kii dalkiisa daacad u noqdana sirdoongka maraykanka (C.I.A) ayaa shirqool ku dila. Kii xidhiidh fiican la sameeya maraykankana shacabkiisa ayaa ka soo horjeesta. Markaa dhinac walba u daran madaxada”.

1Cali Bhuuto markii uu Baakistaan ku noqday, wuxuu aasaasay xisbi siyaasi ah oo loo bixiyey Pakistan People’s Partay. (P.P.P). xisbiga dadka reer Baakistaan. M/weynihii Baakistaan ee wakhtigaasi Yaxya Khaan ayaa lagu jabiyey dagaalkii u dhexeeyey Baakistaan iyo Bangaaladheesh. Ka dib wuxuu kacdoon shacab ku bilaabmay M/weynihii. Taasina waxay keentay inuu is-casilo. Xukunkii dalka ayuu ku wareejiyey Cali Bhuuto.

Dadkii kacdoonka waday ayaa dalbaday in la xidho Yaxya Khaan, waana la xidhay xukunkii dalka Baagistaan ayuu Cali Bhuuto gacan adag ku qabtay. Wuxuu booqasho rasmi ah ku tegay dalka Hindiya. Wuxuu heshiis xabad joojin ah la saxeexday Indira Ghandi oo ahayd Raysal wasaare. Baagistaan waxay aqoonsatay dalka Bangaaladheesh. Cali Bhuuto wuxuu taliyaha ciidanka u magacaabay Jeneral Zia Al-xaq.

Waxa kale oo uu ka dhigay guddoomiyaha guddi soo diyaarisa distoorka uu dalku yeesho oo ahaa inuu dalku yeesho Raysal wasaare awood badan. Xisbigii P.P.P ayaa ku guulaystay doorashadii ka dibna wuxuu Baarlamaankiiu doortay Raysal wasaare. Dhawr sanno ka dib ayuu af-gembiyey Jeneral Zia Al-xaq oo ahaa taliyihii ciidanka dalka ahaana saxiibkiisi ugu dhawaa. Waxaanu ku xukumay deldelaad. Waana lagu fuliyey. Adduunka ayaa ka qayliyey xukunkan deldelaada ah, balse umuu joojin oo wuxuu ahaa nin naxariis daran.

Iska horimaadkii Banazir Bhuuto iyo Murtaza Bhuuto

Markii la deldelay aabohood Cali Bhuuto waxa xisbigii P.P.P hogaaminteeda isku qabsaday.

2Ka dib waxa loo doortay Banazir Bhuuto inay noqoto hogaamiyaha xisbiga iyo Raysal wasaare. Murtaza ayaa kala horyimad dagaal hubaysan, taasina waxay keentay inay boolisku toogasho ku dilaan Murtaza.

Amarka lagu dilay walaalkeed Murtaza Bhuuto waxa bixisay Banazir Bhuuto.

 

Shah Nawaz Bhuuto

3Shah Bhuuto wuxuu ka yara Murtaza. Wuxuu ahaa in caqli badan oo aqoonta ku fiican. Sannadkii 1981-kii ayaa meydkiisii laga helay guri uu degnaa oo ku yaalla dalka Faransiiska. Booliska Faransiiska ayaa baadhay gurigii waxayna ka heleen laba bastooladood. Laakiin lama sheegin sababta keentay dhimashada.

 

 

Dhimashadii Banazir Bhuuto

Dabayaaqadii sannadkii 2007-dii ayaa Banazir Bhuuto lagu dilay shirqool qorshaysan. Waxa la isugu daray qof isku qarxiyey oo ay wehlisay toogasho. Banazir Bhuuto waxay ku jirtay wakhtigan dilku dhacay ololihii doorashadii dhacaysay sannadkii 2008-dii. Waxay ku geeriyootay dhakhtar ku yaalla magaalada Rawalpindi.

4Waxa kale oo la dhintay afar iyo labaatan qof oo ahaa taageerayaasheeda. Muu ahayn shirqoolkani kii ugu horeeyey ee lala beegsado. Hore ayey uga badbaaday shirqool ay ku dhinteen 139 qof oo ahaa taageerayaasheeda.

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

La soco Qaybaha dambe……