Maayarka Gabiley Oo Safar Ugu Anbabaxay Nayrobi, Muqdisho ku sii hakaday, Dareenada Ku Xeeran Safarkan Maayarka oo Aan Hore Loo sii Shacin Iyo Xildhibaan Sheegayay in ay Baafinayaan Maayarkii Magaalada Gabiley

0
401

GABILEY (CodkaHargeysa)- Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley Ahna Duqa Dagmada Gabiley Shucayb Maxamed muuse ayaa maanta Unbabaxay Dalka Kiniya iyadoo  ayaan la Ogayn Ujeedada Safarkan maayrku Ugu Anbabaxay Nayrobi Iyadoo ay Xubo Kamid ah Golaha Deeganka Gabiley ay sheegen in Aanay Ogayn Safarkan Maayarku Ku Tagay Kiniya Waxayna Carabka Ku Dhufteen Inaanay Garannaynin Isla Markaasina aanay Lasocon Ujeedada Safarkan maayarka Waxayna sheegen in ay ka war heleen markii uu Marayay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya Iyagoo Xusay in Uu ku sii Hakaday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Uah Dalka Somaliya

maayarka gabileyHadaba Mar uu Khadka Talephanka nagalasoo  xidhiidhnay Mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley Mustafe Sayd Abokor, ayaa Shaciyay in ay Baafinayaan  Maayarkii Magaalada Gabiley shucayb Maxamed Muuse oo uu shegay in aanu warkahayn meel Uu Janiyo Cidhib Dhigay Balse buu yidhi lagu sheegay in uu Safar ugu Anbabaxay Dalka Kiniya Gaar ahaana Magaalada Nayrobi waa sida uu  hadalkiisa Udhigaye Waxanu sheegay In ay Maanta Ubalan Sanaayen Xildhibaanada Goluhu Sidii ay U Dooral lahaayen Xubnaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley

Waxa kaloo intaasi uu ku Daray Xildhibaan Mustafe Sayd Abokor In aan maayarka loo Ogolayn in Uu Meel Uga boxo Dalka madaama buuyidhi ay socoto Baadhista Cidii ku luglahayd Arintii Saraakiisha Dalka Ethopiya ee lagu Badhay Kantarolka Galbed ee Magaalada Gabiley

Sikastaba Ha ahaatee Waxa Dadwaynaha Dareen Galisay Safarkan Aan La Ogayn Ujeedadiisa waxayna Arintani Shakiwayn ku beertay Bulsha waynta Reer Gabiley

Socdalka Maayarka Gabiley Shucayb Maxamad muuse oo Horeba Ay uga shakisnayeen In uu ku luglahaa Falkii Lagu Baadhay Saraakiisha Dawlada Ethopiya Islamarkaasina Laguqabtay Kantaroolka Galbed ee magaalada Gabiley Arintan oo ay U Xidhnaayen Masuuliyiin ka mid ah Masuuliyiinta Magaalada Gabiley sida Taliyekuxigeenkii Qaybta Boliska Gabiley, Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Gabiley,  Askarigii ilaalada Khaska u ahaa Mayarka Gabiley iyowaliba Dirawalkii Maayarka.

Kadib Markii Dawlada Dalka Ethopiya Aysheegtay in Saraakiishoda laga Shubtay sir ay siten waxyna  Codsatay in Lasoo Qabto Dadkii Arinkaasi Kula Kacay Saraakiish Ethopiya iyadoo Sidii Arintaasi Loga Raligalinlahaa Dawlada Dalka Ethopiya Uu uTagay Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Kadina markii Uu soo Noqday Madaxwayne Kuxigeenku Ay Tagen Wasiirada Wasaarada ah Arimaha Dibada iyo Arimaha Gudaha Somaliland iyagoo Kala Hadlyay Aimo Badan oo ku Sahabsan Xidhiidhka Labada Dale e EThopiya iyo  Somaliland Iyadoo ay Maanta kasoo Noqden Wasiiradii ku Maqnaa Dalka Ethopiya waxanu sheegay Wasiika Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade in ay Dawlada Ethopiya kala Hadlen Arimo Dhawr ah oo ay kamid ahayd Arintii Lagu Badhay Saraakiisha Waxanu sheegay in ay Usheegen Dawlada Ethopiya In ay Arintaasi Sikhalada ay udhacday islamarkaasina Ayna Dib Udhicidoonin Isagoo ubalan Qaday in ay Ciqaabteda Marsiin Donan Cidkastoo Ku Luglahayd Arintan

Waxana wali Arinkaasib Uxidhan Masuuliyiinta Ay kamidka yihiin   Taliyekuxigeenkii Qaybta Boliska Gabiley Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Gabiley Askarigii ilaalada Khaska uahaa Mayarka Gabiley iyowaliba Dirawalkii Maayarka  Mana Jirto Ilaa iyo Hada Wax Maxkamad ah oo Lasaaray iydoo Ay Wali Socoto Baadhista Cidii ka Danbaysay Arinkan

Isku soo Wada Duboo ma Jirto Xog Rasmiya oo ku Sahabsan Ujeedada Safarkan Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Uu uguAnbabaxay Dalka Kiniya Gaar ahaana Magaalada Nayrobi

 

Codkahargeysa.com

Gabiley News Desk