Budhcad-badeed Soomaali ah oo magangelyo weydiistay Dalkii lagu Xukumay

0
388

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Saddex nin oo Soomaali ah oo xukun la xidhiidha falal budhcad-badeednimo ah ugu jiray xabsiga dalka Holland, ayaa dawladda dalka dalbaday magan-gelyo, ka dib markii ay dhammaysteen muddadii xukunkooda, waxaana la sheegay inaan la mastaafurin doonin ilaa laga jawaabo codsiga ay gudbiyeen.

codkahargeysaRaggan Soomaalida ayaa sannadkii 2011 falal budhcad badednimo looga qabtay badweynta Hindiya, waxaana loogu xukumay xabsi gaadhaya afar sannadood iyo badh, balse waxa jimcihii todobaadkan fasaxday maxkamadii qaadaysay dacwadooda, ka dib markii ay sheegtay inay xabsi ku jireen muddo ku dhow xukunka lagu riday, una qalmaan in hore loo soo daayo.

Xoghayaha Cadaalada dalka Netherland Fred Teeven ayaa sheegay inaan la mustaafurin doonin raggan siideynta maxkamada ka dib, isaga oo taas ku sababeeyey codsi magangelyo ah oo dalbadeen awgeed.

Dhinaca kale, mudane ka tirsan aqalka hoose ee dalkaasi ayaa ku tilmaamay sharaf-dhac go’aanka loogu ogolaaday dad uu ku sheegay dembiilayaal inay joogaan dalkooda, waxaanu soo jeediyey in loo mastaafuriyo dalkii ay u dhasheen. 

CodkaHargeysa.com

info@codkahargeysa.com