Helsinki (CodkaHareysa)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ku tilmaamay wax la-buunbuuniyey oo warbaahinta wejiyo kala geddishan u yeeshay mawqifkii uu ka aaminsanaa Somaliland xilligii uu u ogoleyn jiray midnimada Soomaaliya.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada Somaliland ee gobolka Awdal, ayaa sheegay inaanu weligii qaadin tallaabo kala-dhantaalaysa midnimada Somaliland, isla markaana aanu weligii beesha uu ka dhashay kula talin inay qaaddacaan talo-wadaagista beelaha Somaliland.
Waxa uu Prof Axmed Ismaaciil Samatar sidaas ku sheegay kulan uu magaalada Helsinki ee caasimadda Finland kula qaatay jaaliyadda Somaliland, halkaas oo lagu weydiiyey su’aalo kala geddisan oo la xidhiidha farqiga u dhexeeya mawqifkiisa siyaasadeed ee wakhtigan iyo xilligii uu ka soo horjeeday qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.
Prof Axmed Ismaaciil oo mid ka mid ah dadkii kala qayb-galay kulankaasi weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa wax uu ka odhanayo inuu ka mid ahaa ragga aasaasay koox qurbejoog ah oo la baxday Awdal State si uu ugu dagaalamo tartankii uu u galay doorashada madaxtinimada Soomaaliya, waxa uu kaga jawaabay su’aashaas, “Anigu beel kaliya kama soo jeedo, anigu nin Samaroon ahna waan ahay, Isaaqna waan ahay, hooyaday ma dafiri karo, Horta aniga ha I fogeynin, meel aanan oggolayn inaan joogo anigu ha I geynin adigu, kaamana yeelayo taas. Aabahay aniga oo yar buu dhintay, fasalka labaad ee dugsiga sare ayaan ku jiray xilligaas. Waxa tacabkayga intii kale keenay hooyaday.”
“Anigu ma ihi Rasuul Illaahay u soo dejiyey Samaroon, dad iga aqoon badan baa jira, dad iga waayeelsan oo siyaasadda dalka iiga aqoon badan baa jira, miisaanka aan ku leeyahayna iyaguunbaa og. Weligayna imay odhan meeshaasaan kugu ognahay, baarlamaankii Muqdishona arrin reer yarbuu iska ahaa, Samaroon-na imay odhan ninkaas ayaanu dooranay,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Markaa, saamayntaydu wax la buun-buuniyey bay ahayd, laakiin mid baan qirsanahay; waxoogaa yar oo idaacadaha aan ka sii daayey oo la buunbuuniyey way jirtaa, intaas aan ka hadlayey wixii aan idhi way duuban tahay, waligay dadka Samaroon-ta kumaan odhan Somaliland waxba ha ku darsanina, haddii la soo helana, bannaanka hala soo dhigo.”
Prof Axmed Ismaaciil waxa uu sheegay in mawqifka midnimada iyo isku-duubnimada Somaliland uu aaminsanaa wakhtigii uu loolanka madaxnimada Soomaaliya ku jiray, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan ka hadli jiray had iyo jeer, dadka reer Somaliland waa in laysku hayaa, aniga oo Murshax ah oo Xamar jooga, ayaa ku dhegsanaa oo aan lahaa Somaliland lama kala daadin karo, Somaliland waa mid kaliya.
Laakiin, haa, Somaliweyn waan ka hadlay, aad baanan ugu han-weynaa ka-qayb-galkeygii si aan u badbaadiyo dalkayga iyo dadkayga, way suura-geli kari wayday, aniguna waan ku fashilmay, iyaguna way ku fashilmeen,” ayuu yidhi Prof Samatar.
CodkaHargeysa.com
info@codkahargeysa.com