Maraykanka oo ka hadlay Muwaadin u dhashay dalkeeda oo Magan-gelyo weydiistay Woqooyiga Kuuriya

0
412

Pyongyang (CodkaHargeysa)- Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, ayaa ka hadashay muwaadin u dhashay dalkooda oo magan-gelyo weydiistay dalka reer galbeedku go’doomiyeen ee Woqooyiga Kuuriya. Waqooyiga Kuuriya ayaa xabsi dhigtay nin u dhashay dalka Maraykanka oo fiise dalxiisnimo ku tegay dalkaas, balse markii dambe codsaday in qaxoontinimo loo aqoonsado. 2011527837377734_20Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka Woqooyiga Kuuriya, ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Miller Matthew Todd, ayaa baasaaboorkiisa iyo waraaqihiisa aqoonsiga ku jeexjeexay madaarka, ka hor intii aanu dalban magal-gelyo uu weydiistay masuuliyiinta ku sugnaa garoonka diyaarada magaalada Pyongyang ee caasimadda Woqooyiga Kuuriya. Warku waxa uu intaas ku daray inay dawladda Kuuriyada Woqooyi xabsiga u taxaabtay ninkan oo lagu eedeeyey inuu jebiyey sharci culus, isla markaana baadhitaanka kiiskiisu socdo, inkastoo tafaasiil dheeraad ah aan la raacin. Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka Jen Psaki ayaa u sheegtay warbaahinta inay la socdaan warkaa, balse aanay xaqiijin karin inuu yahay muwaadin Maraykan ah . Waxay sheegtay afhayeenku inay xidhiidh la yeesheen safaarada dalka Sweden ee Woqooyiga Kuuriya oo xalisa arrimaha dibloomasiyadeed ee Maraykanku uga baahan yahay dalkaas, maadama Maraykanku aanu safaarad ku lahayn. “Ma jirto muhiimad nooga weyn ilaalinta nabadgelyada muwaadiniinta Maraykanka. Ma hayno macluumaad dheeraad ah wakhtigan,” ayey Psaki sheegtay. Codkahargeysa.com info@codkahargeysa.com