London (CodkaHargeysa)- Gantaalo nooca diyaaraduhu xambaaraan oo Boqortooyda Sucuudigu noqotay waddankii ugu horeeyey ee iibsada tan iyo markii la sameeyey sannadkii 2008m ayaa la sheegay inuu khilaaf ka dhexabuuray waddama Maraykanka iyo Ingiriiska.
Xukuumadda Ingiriiska ayaa la sheegay inay heshay macmiil diyaar u ah iibsiga gantaallada loo yaqaano Paveway IV ee diyaaraduhu xambaaraan, kuwaas oo la sameeyey sannadkii 2008, balse aan laga iibin dalalka dibadda, waxaana wakhtigan ogolaanshiyo u helay boqortooyada Sucuudiga oo lacag badan ku iibsanaysa.
Haseyeeshee, waxa ogolaanshiyaha iibka hubkan caqabad ku noqday in laga qanciyo dawladda Maraykanka ogolaanshiyaha hubkan oo markiisii hore lagu sameeyey dalkiisa.
Caqabada Maraykanku ku yahay iibka hubkan, ayaa lagu sababeeyey maadaama uu ogolaanshiyo u haysto wadan kasta oo laga iibinayo hub bilowgiisi uu ikhtiraacay, sida gantaalkan.
Balse, inkasta oo gantaalaha Pave IV ee Sucuudiga laga iibinayo lagu farsameeyey dalka Ingiriiska marka laga reebo in la soo dheegtay ikhtiraacii hore ee gantaalkan oo Maraykanku lahaa, ayaa garyaqaanada Ingiriiska, dublamaasiyiintu iyo maxkamadahodu qabaan inay sahli doonto dariiqa loo marayo iibka gantaalkan ee Sacuudiga.
Gantaalaha Paveway IV ayaanay isticmaalin ciidamada dalka Maraykanka ilaa 2008 wakhtigaas oo dalka Ingiriiska lagu farsameeyey.
CodkaHargeysa.com
info@codkahargeysa.com