Taliska Asluubta oo ka war-bixiyey halka uu marayo Baadhitaanka Falkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa

0
375

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, Sarreeye-Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa ballan-qaaday in sharciga horkeeni doonaan isla markaana ciqaab u qalanta lagu fulin doono ciddii ay ku cadaato ee qaybta ka ahayd falkii isku-dayga baxsi ee todobaadkii hore ka sameeyeen xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Taliye-XiiraneTaliye Xiirane oo maanta magaalada Hargeysa ugu warramay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu qiray inay hawl-galas ku lug-lahaayeen cid ka tirsan ciidamada Asluubta ee uu taliyaha u yahay, waxaanu ballan-qaaday inay shacbiga u soo bandhigi doonaan natiijada ka soo baxda baadhitaanka kiiska

Taliyaha oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Xabsigan si caalami ah ayaa loo sameeyey albaabadiisa iyo dhismihiisa, laakiin hawlgalka  kor loogama iman ee kolayba waa dhexdayada, hadallada la leeyahay bastoolad baa meesha lagu qariyey, baadhisteedii way socotaa, wixii macluumaad ah waanu soo ururinayey. Waxaan jecelahay in baadhistaasi noqoto wax dadka loo soo bandhigo, C.I.D-duna ay ka fiirsatay, wixii dad ku lug lehna caddaaladda la horgeeyo oo ay noqdaan tusaale wax lagu qaato, waayo annagu waxaannu nahay bangiga dawladda ee dadka lagu hayo,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Waxaannu wadnay horumarkii in ciidankeennu sidii hore ka baxo iyo in maxaabiistu wax bartaan, marnaba nalagama filayn in dib loo noqdo, laakiin yeelkeede waxay ka mid noqonaysaa duruusta waqtigan la qaato oo aannu ka taxadiri doono inay dib dambe u dhacdo.”
“Dad badan baa kiiskan loo xidhxidhay, kuwaasna gacan adag ayaa wax lagaga qaban doonaa oo waxay noqon doontaa duruus wax lagu qaato in aanay dib u dhicin. Ummaddana waxaan leeyahay aynu sugno baadhista soo baxda, waxaanan jeclahay wax allaale iyo wixii ay gasho in tallaabo laga qaado,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha oo la weydiiyey tirada dadka ilaa immika falkan loo xidhay, waxa uu yidhi, “Nimankii maxaabiista ahaa ee dilka iyo dhaawac gaystay marka laga reebo ilaa shan eedaysane oo kale ayaa u xidhan, inay ka badato tiraduna waa laga yaabaa oo baadhistuna weli way socotaa.”

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com