Addis Ababa (CodkaHargeysa)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay lagu marti-qaaday ka-qayb-galka shir-sannadle ah oo lagaga hadlo Ammaanka iyo Xasiloonnida dalalka qaaradda Afrika, kaas oo maanta ka furmaya magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya.
Shirkan oo sannad kasta bisha Afraad ay isugu yimaaddaan Gole lagu magacaabo TANA Forum oo ay xubno ka yihiin madaxweynayaal hore oo qaaradda Afrika soo maray, isla markaana lagaga hadlo caqabadaha ku gedaaman xasiloonida qaaradda Afrika, ayaa noqonaya kii saddexaad ee laysugu yimaaddo ilaa wakhtigii la aasaasay Golahan laba sanno ka hor, waxaana shirkii ugu horreeyey laysugu yimi bishii April ee sannadkii 2012-dii.
Ujeeddada shirkani ka duullayo ayaa lagu sheegay mid lagaga doodo caqabadaha dabiiciga ah iyo kuwa bani’daamka sababta u yihiin ee dabka ku sii hurinaya halisaha ammaan-darro ee qaaradda Afrika.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa ka qayb-galaya shirka maanta ka furmaya magaalada Bahar Dar ee caasimadda Ismaamulka Amhaarada Itoobiya, sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi.
Waxa kale oo qoraalka Afhayeenka wasaaradda lagu shaaciyey kulan ay labada wasiir iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya shalay la yeesheen guddoomiye ku-xigeenka Ururka Midowga Afrika ee xaruntiisu tahay Addis Ababa, Mr Mwencha, haseyeeshee laguma faahfaahin ujeeddada kulanka iyo waxyaabaha ay labada dhinac kaga wada-hadleen.
“Waxa kale oo Jamhuuriyada Somaliland markii ugu horeysa ay martiqaad ka heshay shirka la yidhaado TANA FORUM. Shirkaasi waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Arrimaha Dibeda & iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade, waxaana qabanqaabiyay shirkaas Jumciyada Quruumaha ka dhexaysa iyo Midawga Africa (AU). Waxa shirkaasi ka soo qeyb galaya dhamaan diblomaasiyiinta magaalada Addis Ababa u jooga dalalka Caalamka,” Ssidaas waxa lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Muxuu yahay Shirkani (TANA FORUM)?
Kulan-sannadeedka TANA Forum ee sannadkan ee maanta ka furmaya Bihar Dar oo la qorsheeyey inuu socdo inta u dhaxaysa 26-28 April, waxa diiradda lagu saarayaa saamaynta lacagaha sida sharci-darrada ah laysugu diro ku yeelan karaan xasiloonida iyo ammaanka qaaradda Afrika.
Sida aanu ka soo xiganey qoraal la soo dhigay barta Internetka ee GOLAHAN, Saamaynta ay lacagahani ku leeyihiin horumarka Qaaradda Afrika, ayaa muhiimad gaar ah u leh Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah. Waxaana Kulanka sannadkan ee GOLAHA TANA ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo yagleeli lahaa guddiyo si gaar ah isaga xil-saarta daraasaynta nabadda iyo deggenaanshaha ee arrimahan ka dhalan kara.
Waxa kale oo lagu sheegay inay Shirkan ka soo qayb-galayaan Madaxda, siyaasiyiinta iyo dadka ay khusayso ee qaaradda Afrika si fursad loogu siiyo inay saamaynta arrintani ku yeelatay ammaankooda ka bartaan waddamada waayo-ragnimada u leh ee nabad-gelyadooda, ganacsigooda iyo isku-xidhnaanta bulshadoodu wax ka soo gaadheen halisaha ammaan-darro ee ka dhasha lacagaha sida sharci-darrada laysugu diro.
TANA Forum waa Urur madax-banaan oo hoos taga Machadka Daraasaynta Nabadda iyo Ammaanka ee Jaamacadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa xubno ka ah isla markaana siyaasaddiisa hoggaamiya madaxweynayaal hore u soo maray qaaradda Afrika, waxaana guddoomiye u ah Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo, halka ay xubno ka yihiin La-taliyaha gaarka ah ee Raysal-wasaaraha Itoobiya Prof. Andreas Eshete, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Thabo Mbeki, Madaxweynihii hore ee dalka Burundi, Pierre Buyoya, Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee dalka Yugaandha Betty Bigombe, Wasiirkii hore ee Arrimaha Bulshada dalka Senegal, Professor Ndiaye Ndioro, Agaasimaha Maamulka Machadka Makerere ee Daraasaynta Arrimaha bulshada ee dalka Yugaandha Prof. Mahmood Mamdani iyo shakhsiyaad kale oo si weyn looga yaqaano qaaradda Afrika.
CodkaHargeysa.com
info@codkahargeysa.com