Hargeysa (CodkaHargeysa)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Md. Maxamed Maxamuud Jeeni yare, ayaa u soo jeediyey shacabka ku dhaqan deegaanka Taleex ee gobolka Sool inaanay nabad-gelyadooda iyo deggenaanshaha dhulkooda ku dooran siyaasiyiinta danaystayaasha ah ee Cali Khaliif horjoogaha u yahay, kuwas oo uu sheegay inay colaad-horleh ka maleegayaan deegaamadaas.
Maxamed Maxamuud Jeeni yare oo u warramay Wargeyska Afka Dawladda ku hadla ee DAWAN, waxa uu sheegay in aanay kooxda Khaatumo awood u lahayn in ay dagaal ku soo qaadaan Somaliland, iyadoo ciidamadda qaranku ay diyaar u yihiin in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo deegaamadeeda ku soo xad-gudubta.
Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nimankaasi waa niman qaldan waana niman iska riyoonaya, waxaasi oo dhibaato ah waxaa gaysanayaa waa dhawr nin oo dadka shacabka sharaftooda iyo nabad-gelyadooda doonaya inay ku ciyaaraan, nimankaasi oo uu ugu horeeyo ninka la yidhaahdo Cali Khaliif Galaydh iyo ina Ciise Cabdi, markaasi waxaan u soo jeedinayaa dadka shacabka ah ee reer Taleex, qarannimadooda iyo dawladnimadooda inay ilaashadaan, oo nimankaasi shuftada ah ee dhibaatada badan u gaystay ee marba dibadda kaga soo duulaya ee cadawga ah, in ay meel uga soo wada jeedsadaan oo ay deegaamadooda ka caydhiyaan.”
Waxaanu intaasi ku daray guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, “Wax dagaal iyo dhibaato ah oo ay kooxda Khaatumo ka geysan karaan deegaanka Taleex ma jirto, dawladda Somaliland iyo ciidamadeeduna waa u diyaar inay tallaabo ka qaado, cidii dagaal ka ridaysa deegaamadeeda, iyada oo aan Somaliland cidna daan-daansanayn, wixii dhibaato ka shaqaynaya diyaar baa loo yahay in la iska celiyo, oo ummadda laga difaaco iyo dalkaba.”
Mr. Jeeni yare, waxa kale oo uu tilmaamay in nimanka sheegay in ay garaadnimadii kala noqdeen garaad Jaamac garaad Ismaaciil ay yihiin kuwo iska hadlay, isla markaana garaad Jaamac uu isagu u yimid dadkiisa iyo dawladiisa Somaliland.
“Nimanka yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaanu garaadnimadii kala noqonay way iska hadleen ninkaasi waa garaad jira oo waa la wada yaqaan, kuwa sidaasi lihina iyagu garaad kama ay dhigan, way iska sheekaynayaan ee Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waa garaad garaad dhalay, iyaga ayuun baa afkooda isku xidhay, garaadku haddii uu dawladnimadiisa dadkiisaba u yimid ma aha in la dhaleeceeyo, waanay khaldan yihiin”, iyagana waxaan u soo jeedinayaa inay dadkooda iyo dalkooda soo raacaan” “Xukuumadda Somaliland diyaar ayay u tahay inay horumar iyo adeegyada bulshada gaadhsiiso, deegaamadaasi goboladaasi bariga imikana way wadaa waana la sii kordhinayaa” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha oo aanu wax ka wadyiinay shirka la sheegay in kooxda Khaatumo ay ku qabsanayso degmadda Taleex, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Arrintaasi waa xaaraan lagumana qaban karo, laguna qaban maayo, waxa ay wadaan Cali Galaydh iyo waa wax qaranimada iyo jiritaanka Somaliland lidi ku ah, wax suurtoobayana maaha, Somalilanda tallaabadda ku haboon ayay ka qaadaysaa.”
Guddoomiye Jeeniyare oo deegaan ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa muddo sannad iyo dheeraad ah hadda haya xilka guddoomiyaha gobolka Maroodijeex/Hargeysa, ka hor intii aan laga soo beddelin xilka guddoomiyaha gobolka Sool oo uu in muddo ah xilkaas hayey.
XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN