Hooyada dhashay Wiil Soomaali ah oo 5-saac Taayir Diyaaradeed ku safray oo Si murago leh uga hadashay Ciilka qabsaday (SAWIRRO)

0
383

Sheed-dheer (CodkaHargeysa)- Hooyada dhashay Wiil 16 jir da’diisu tahay oo Soomaali ah oo ku dhuuntay Taayirka diyaarad u kala gooshaysay gobollada California iyo Hawaii ee dalka Maraykanka, isla markaana muddo shan saacadood ah hawada ku jirtay, ayaa dalbatay in Wiilkeeda la tuso, iyadoo ooyeysay, isla markaana aad uga naxsanayd marxaladda wiilkeedu naftiisa ku biimeeyey oo ay ku sheegtay in isaga iyo laba carruura oo kale oo ay dhashay xataa loo diiday inay taleefan kala hadasho.

wiilUbax Maxamed Cabdullaahi oo ah Hooyada dhashay Yaxye Cabdi oo ah Wiilka ku dhuuntay diyaaradda shanta saacadood hawada sare ee dalka Maraykanka duullimaadka ku maraysay, ayaa Idaacadda BBC-da u sheegtay in Wiilkeeda iyo iyada muddo dheer la kala qarinayay, isla markaana ay arrinta ku dhacday aad uga naxday.

Hooyo Ubax Maxamed Cabdillaahi oo arrintaa ka hadlaysaa waxa ay tidhi; “Wiilkayga sannado ka hor ayaa la geeyay Mareykanka, waxaana loogu sheekeeyay in hooyadiis ay dhimatay, balse muddo kaddib ayuu ogaaday inaan noolahay oo aan Afrika joogo, taas ayaana ku kalliftay inuu naftiisa khatar geliyo si uu ii arko.”

Sidoo kale, Hooyo Ubax, ayaa sheegtay in laba Carruura oo Wiil iyo Gabadh ay iyadu dhashay oo Yaxye la walaal ah ay dhibaato la mid ah tan Yaxye uu qabay ee ku qabsatay inuu ku dhuunto diyaarad ay qabaan oo ay ku nool yihiin murugo la mid ah ta walaalkood taayirka diyaaradda naftiisa ugu biimeeyey.

“Calaamka iyo Soomaalida waxaan ka codsanayaa inay gacan ka geystaan sidii aan isku arki lahayn aniga iyo Wiilkayga iyo labada Canug ee kale.” ayay tidhi Ubax oo ooyaysa; iyadoo sheegtay in loo diido in carruurteeda ay la hadasho tan iyo markii Mareykanka la geeyay.

Hooyo Ubax waxay sheegtay inay ku nooshahay xero qoxoonti oo ku taalla waddanka Itoobiya, iyadoo xustay in Aabbaha dhalay Carruurta oo magaciisu uu ahaa Cabdiraxmaan Yuusuf uu hadda beddelay magaciisa, isla markaana uu la baxay Cabdillaahi.

Hase-yeeshee, Aabbaha Wiilkaa naftiisa biimeeyey dhalay oo magiciisa ku sheegay Cabdillaahi Yuusuf Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in Wiilka ay waayeen habeen ay Sabti soo galayso, balse uu maalin ka dib Warbaahinta ka maqlay in Wiilkiisi ku dhuuntay Taayirka diyaarad isaga socdaalaysay gobollada California iyo Hawaii ee dalka Maraykanka.

“Waxaan u maleynayaa inay waxbarashadu ku cuslaatay, taasna ay keentay inuu dhibaatadan u maro.” ayuu yidhi Yaxye Aabbihii, isagoo intaas ku daray inuu filayo inuu doonayay inuu booqdo Ayeeyadiisa iyo Awoowihiis oo Afrika jooga. Hase-yeeshee, Warbaahinta caalamiga ah, ayaa warar ay toddobaadkii dhacdani taagnayd-ba si weyn wax uga qorayey, isla markaana faafiyey in sababta Wiilka yar ku kalliftay inuu naftiisa halis geliyo ay ka dhalatay, ka dib markii ay is-dagaaleen Aabbihiis.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in wiilka uu doonayay inuu u tego hooyadii oo uu sheegay inay joogto Soomaaliya. Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay wiilka arkeen kaddib markii ay diyaaradda degtay. Waxaa su’aalo weydiiyay laanta dembibaarista ee Mareykanka, ee FBI, oo baaritaan dhanka caafimaadka ah ku sameysay. Waxaanay Dhakhaatiirtu sheegeen in caafimaadka Wiilkaasi wanaagsan yahay.

Afhayeen u hadlay laanta dembibaarista ee Mareykanka, Tom Simo, ayaa yidhi; “Wuu nasiib badan yahay Wiilkani.” Wiilkan ayaa sida uu ku badbaaday loo arkay inay tahay mucjiso, marka loo eego Tan iyo sannadkii 1947-dii 100 Ruux, ayaa isku dayay inay taayirka diyaaradda hoosta ka galaan oo ay ku safraan, intooda badanna way dhinteen. Waxa uu ka soo badbaaday jawiga aadka u qabow ee hawada sare, iyadoo diyaaraddu 12,000 mitir ay hawada u gashay.

Si kastaba ha ahaateen arrintan ayaa waxay ka yaabisay calaamka oo dhan, iyadoo Wiilka ay hadda gacanta ku hayaan Ciidammada ammaanka gobolka Huwaii, laakiinse Aabbaha Wiilkan ayaa sheegay in lagu wargeliyay in dib loogu soo celin doono. Waxaanu Wiilka la ogaaday inuu Taayirka ku dhuuntay markii diyaaraddu ay fadhiisatay Madaarka Huwaii oo la arkay isaga oo koomo ku jira.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com