Ujeeddada socdaal aan hore loo sii shaacin oo madaxweyne Siilaanyo ku tagay Berbera

0
344

Berbera (CodkaHargeysa )- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa socdaal aan la shaacin oo ay ku weheliso Marwadiisa, ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo haatan ka soo maqnaa muddo bil ah.

siiilaanyo_BerberaMadaxweyne Siilaanyo oo maanta gelinkii dambe ka amba-baxay magaalada Hargeysa, ayaan la shaacin ujeeddada dhabta ee ka dambaysa socdaalkiisa oo aan cidiba ka war-haynin, waxaanu isla caawaba ku hoyday Aqalka Martida ee magaalada Berbera.

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola safarka madaxweynaha ee Berbera, ayaa sheegaya inuu la xidhiidho arrimo shakhsiyeed oo isaga ku kooban, isla markaana uu laba maalmood ee soo socda ku joogi doono.

In kasta oo safarka kedista ah ee madaxweynuhu maanta ugu baxay magaalada Berbera uu ka duwanaa qaababkii hore ee uu u socdaali jiray marka uu dalka gudihiisa ku safrayo oo lagu ag-arki jiray Masuuliyiin badan oo wehelin jirtay, gaadiid iyo ilaalo badan oo hubaysan, balse waxa madaxweynaha wehelinayey gaadiid tiro yar oo midkooda uu watay Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo dhowr baabuur kale.

Socdaalka madaxweynaha ee Berbera ayaa laga war-helay isaga oo ku sii jeeda magaalada Berbera, ka dib markii gaadiidkii ay saarnaayeen askarta ilaaladu iyo baabuur ay saaran yihiin dad shacab ah oo ka yimi dhinaca magaalada Berbera ay isku dhaceen,  waxaana shilkaas ka dhashay dhaawacyo soo gaadhay dadkii saarnaa gaadhiga kale, kuwaas oo dhaawacooda isla markiiba loola soo cararay dhinaca magaalada Hargeysa oo lagu dabiibayo caafimaadkooda cusbitaalka Guud oo la geeyey.

Lama oga inay shilkaas wax ku noqdeen askartii saarneyd gaadhiga ilaalada madaxweynaha, haseyeeshee waxa uu warku intaas ku daray in gaadhiga dadka shacabka ahi wateen uu si xun u burburay.

CodkaHargeysa.com

info@codkahargeysa.com