“Meesha (Xabsiga Hargeysa) Mashruuc wayn baa galay… Raadad badan oo fiican baa la hayaa, babaadhis baana socota…”

0
394

XIIRANEHargeysa (CodkaHargeysa)- Taliyihii Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa Cumar Siciid, ayaa la sheegay in xilkii laga qaaday, isla markaana jagadaas loo magacaabay Taliye cusub oo la yidhaahdo Gaashaanle dhexe Muuse Abokor Qoorsheel, ka dib markii Isniintii toddobaadkan ay qaar ka tirsan Maxaabiista u xidhan falalka Argagixiso iyo Budhcad-badeednimo ay isku dayeen inay baxsadaan, ilaaladii Xabsigana ay dhaawac iyo dhimasho u geysteen.

Warkan oo uu Wargeyska Himilo ka helay ila-wareedyo ka agdhaw Ciidanka Asluubta Somaliland ee qaabbilsan arrimaha Xabsiyada, balse aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa intaa ku daray in magacaabista Taliyaha cusub iyo xilka-qaadista Taliyihii hore ee Xabsiga Hargeysa, ay timi ka dib markii uu Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Xiirane Guddi aqoon sare u leh hawlaha Xabsiyada u magacaabay xaqiiqo-raadinta dhacdada isku-dayga baxsashada Maxaabiista iyo sida ay ku dhacday in Maxaabiis arrimo argagixiso iyo Budhcad-badeednimo ugu xidhan Xabsiga gudihiisa ay ku helaan Hub (Baaskoolado) ay ku fuliyeen dhimashada hal Askari iyo dhaaca Askari kale.

Haddaba, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane oo Wargeyska Himilo si uu warkan u xaqiijiyo xalay khadka taleefanka kula xidhiidhay, isla markaana aannu wax ka weydiinnay waxa ka jira wararka sheegaya in Talihii hore ee Xabsiga Hargeysa uu beddelay, waxa uu ku jawaabay; “Lagama qaadine waxa weeye baadhistii baa socota, baadhistu markay dhammaato ayaannu ka warramaynaa, laakiin hadda C.I.D-da ayaa baadhistii wadda, inta baadhistu socotana ka hor-dhici mayno. ”

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo aannu weydiinney inay Wararka soo baxayaa sheegayaan in xilka laga qaaday Talihii hore ee Xabsiga, beddelkiisana la magacaabay waxa taas loogu yeedhayo ama loogu magac-bixinayo maaddaama oo uu sheegay inaan xilka laga qaadin iyo in Taliyaha baadhista awgeed loo fadhiisiyey, waxa uu yidhi; “Tii hore waannagii ka aamus-nay (Asluub ahaan), markaa dee baadhis baa socota, illaa ay baadhistu dhammaatana ka hadli mayno.”

“Isku beddelka la kala wareejiyo Saraakiisha lagama maarmaan ama muhiim maaha, meeshana hawl wayn baa gashay, Mashruuc wayn baa galay. Markaa, baadhistaa illaa laga dhergo oo la dhammaystiro ka hor-dhici mayno, hawshan baadhisteeduna wax habeen, laba habeen iyo habeenno lagu dhammayn karo maaha.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane.

Taliye Xiirane oo lagu celiyey mar labaad isla su’aasha kor ku xusan waxa uu si kooban ugu jawaabay oo uu yidhi; “Raadad badan oo fiican baa la hayaa oo baadhis baa socota ee haddii baadhisti oo aan dhammaan aannu ka hadalno deg-deg bay noqonaysaa, markaa baadhistu ha innoo dhammaato, markaasannu ka hadli doonnaaye.”

Inkasta oo uu Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sidaa ku dooday, haddana waxay ila-wareedyada uu Wargeyska Himilo xogtan ka helay tibaaxeen in Guddiga Xaqiiqo-raadinta uu u magacaabay fadhi, wadahadal iyo baadhis hor-dhac ah oo ay sameeyeen ka dib uu Taliyaha Asluubta Sarreeye Guuto xilka ka qaaday Taliyihii Xabsiga dhexe ee Hargeysa Cumar Siciid baadhista socota awgeed oo warku sheegay in Taliyaha Xabsiga Masuulka ka ahaa laftiisu baadhista qayb ka noqonayo.

Ciidanka ilaalada Xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa iyagu ku guulaystay qabashada Maxaabiista isku dayday inay baxsadaan, iyaga oo Maxaabiistaasi ahaa lix Maxbuus oo isugu jiray afar Nin oo u xidhan kiis Budhcad-badeednimo iyo laba Nin oo u xidhnaa kiisas Argagixisannimo, kuwaasoo Baaskoolada aan weli la shaacin sida ay ku heleen iyo cidda u fududaysay toona mar keliya Abbaaro labadii iyo labaatan daqiiro ee maalinnimadii Isniintii la soo baxay, isla markaana Toogtay Askarigii Kaabadda Sare saarnaa Marxuum Cabdi Siciid, sidoo kalena dhaawacay Askarigii Kidinka hore ee Jeelka laga galo taagnaa, balse isku-daygaas ayay fashiliyeen Ciidanka Asluubta ee ilaalada ka ahaa Xabsigu. Waxaanay Ciidanka Boolisku dhacdadaas u xidheen dad kala duwan oo isugu jira Shacab iyo Askar-ba.

XIGASHO: WARGEYSKA HIMILO