Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhaliilay hay’adaha Ammaanka Dalkiisa, shacabka Muqdisho-na Codsi u diray

0
289

Muqdisho (CodkaHargeysa)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shicibkiisa u soo jeediyay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka oo uu dhaliilay shaqadooda kuna tilmaamay qaar aan gudan xilkooda.

xasan sheekh maxamuudMadaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisani daba-socdo falal amni-darro oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey Muqdisho isla markaana lagu bartilmaameedsaday masuuliyiin dawladda ka tirsan, iyada oo lagu gudo-jiro shirar dhinaca amniga lagaga tashanayey oo magaaladaas ka socday.

 “Ammaanka dalka inuu is-bedbedelo waxaa sabab u ah iyadoo mas’uuliyiinta ku howlan ammaanka aanay  si wanaagsan u hanan ammaanka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu farriin u diray shacabka dalkiisa oo uu ka codsaday inay hay’adaha ammaanka ku garab-joogsadaan ilaalinta nabad-gelyada gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi, “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa inay dulqaad muujiyaan oo ay  la shaqeeyaan ciidammadda ammaanka si looga hortago kuwa falalka ammaan-darro ka geysanaya magaalada Muqdisho.”

Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada Dawladda Soomaliya iyo ciidamada huwanta ah Midowga Afrika, ayaa sheegtay masuuliyadda dilal loo geystay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo laba maalmood oo isku xigga siyaabo kala duwan loogu khaarajiyey badhtamaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. 

 

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com