Ciidanka Qaranka Somaliland oo fadhiisimo Cusub ka samaystay gobolka Sool, kuna sii Jeeda Degmada Taleex

0
355

4Laascaanood (CodkaHargeysa)- Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa fadhiisimo cusub ka samaystay deegaanka Holhol ee gobolka Sool, ka dib markii ay Saaka subaxnimadii ku waaberiisteen deegaankaas.

Wararka naga soo gaadhay deegaamadaas, ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan oo wata Gawaadhida Gaashaaman Ee Dagaalku ay saaka si xasiloon u galeen Deegaankaas.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaas Fadhiisimo ka samaysteen, isla-markaana ay si nabadgelyo ah ku joogaan dhulkaas, iyagoo dadka shacabka ahina ay hawlahooda wataan.

Cutubyo ka tirsan ciidankan ayaa la sheegayaa inay ku wajahan yihiin Deegaanka Yoocada oo ka mid ah Meelaha ay Maleeshiyada Khaatumo inta badan joogtay, waxana la sheegayaa inay jiraan difaac ay kooxda Khaatumo halkaas kaga jirto si ay iska caabin iskugu daydo.

Sidoo kale wararka ka imanaya Deegaanka Taleex oo ay dhawaan ciidanka Somaliland ka soo baxeen ayaa sheegaya inay maleeshiyo Beeleedda Khaatumo si weyn difaac uga gashay halkaasi, iyagoo ka cabsi qaba in ciidanku mar kale ku ruqaansadaan.

Ciidamada Somaliland ee Aagga Bariga Sool ayaa ayyaamahan wada Dhaqdhaqaaqyo lagu sugayo amniga Deegaamada ay maleeshiyad Khaatumo ku sugan tahaya, waxana jira dhaqdhaqaaqyo ay kooxdaasi qudheedu ugu diyaargaroobayso isku day difaac.

Sarakiil ka tirsan Kooxda Khaatumo oo uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegayaa inay ka baxeen Deegmada Taleex oo ay muddo todobaad ah ku sugnaayeen, kuna qaban-qaabinayaan shir halkaas lagu qabanayo oo lagaga soo horjeedo qaranimada Somaliland.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com