Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE oo shaaciyey wakhtiga Rasmiga ah ee Shirku Furmayo; “Cid waliba xaq bay u leedahay inay is-sharraxdo”

0
330

Gudiga qaban-qaabaaHargeysa (CodkaHargeysa)- Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shirweynaha saddexaad ee xisbiga Kulmiye Abubakar Xaamud Jibriil, ayaa shaaca ka qaaday in ugu dambayn 28-ka bisha April uu furmi doono shirweynaha isla markaana uu socon doono muddo laba maalmood ah.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inaanay jirin cid ka maqan ergooyinka ka qayb-galaya marka laga reebo ergooyinka gobollada Sanaag, Sool iyo Salal oo uu sheegay labada maalmood ee soo socda inay ku soo xeroon doonaan caasimadda.

HALKAN KA DHEGAYSO

Codkahargeysa.com

Info@codkahargeysa.com