Hargeysa (CodkaHargeysa)- Masuuliyiinta sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa is-buriyey, isla markaana Guddoomiye Ku-xigeenka 4-aad ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo shalay sheegay inuu khilaaf ka dhex-jiro hoggaanka Xisbiga, isla markaana ay laba Garab u qaybsan yihiin oo uu isagu ka mid yahay Garabka toosan oo uu sheegay inuu Guddoomiyaha guud Cabdiraxmaan-Cirro hoggaamiyo iyo Garab kale.
Cabdi Raygal oo shalay war kooban siiyey Royal TV, ayaa ku dooday in hoggaanka talada Xisbiga sii wadaa Jabadaan ku dhex-ciyaarayaan Xisbiga, hase-yeeshee, waxa uu maanta oo ay Shir Jaraa’id wada-qabteen Masuuliyiinta kale ee Xisbiga uu sheegay in warkiisii wax ka badan laga baahiyey oo aanu isagu bixinnin.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI Axmed Muumin Sadeed oo Shirkaa Jaraa’id furay waxa uu yidhi; “Sida runtu tahay waxaad ogtihiin in saaka ay jaraa’idadfa ku soo baxday, TV-yada qaarkoodns xalay ka baxday runtii arrin aannu aad ula yaabnay oo aan Xisbiga WADDANI ka dhicin, oo ah in hoggaankii laba u kala jabay iyo in khilaaf Xisbiga hadheeyay, taas ayaan doonaynaa in aannu u iftiimino Tageerayaasha Xisbiga iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee jooga dalka guddahiisa iyo dibeddiisaba.”
Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeen Seed oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo yidhi; “Waxaan caddaynaynaa inuanu jirin horena aanay u dhicin in khilaaf soo kala dhex galay Guddomiye Ku-xigeenka iyo hoggaanka Xisbiga WADDANI, waxaa halkan ka muuqda dhammaan hoggaankii Xisbiga, waa Qaasim Tubeec oo hoggaanka Xisbiga ah, Milgo oo hoggaanka Xisbiga ah, Guddoomiye Ku-xigeenkii 4-aad oo hoggaanka Xisbiga ah, Mustafe oo isna hoggaanka Xisbiga ah iyo Xoghayaha Guud Uurcade oo hoggaanka xisbiga ah.”
“Hoggaanka Xisbiga waxa naga maqan waa Guddomiyahii Xisbiga, runtii arrinkaasna aad ayaa looga wada xumaaday wax jirana maaha, waxaanan ka raalli-gelinaynaa cidkasta oo ay dhagahooda ku dhacday.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI Axmed Muumin Seed oo shalay illaa xalay ka meeraysanayey inuu jawaab ku filan ka bixiyo warka ka soo baxay Cabdi Raygal oo ah Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee WADDANI.
Guddoomiye Ku-xigeenka warka hore ee Khilaafka shalay ka shifay Cabdi Raygal Beegsi oo isaguna shirkaa jaraaid maanta ka hadlay, ayaa yidhi; “Sidaa uu Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad sheegay, shalayto aniga laba kelmadood ayaa iga baxday, laba kun oo kelmadood ayaa laga dhigay, wixii sawir yaallay magaalada waa la soo uruuriyay, arrintaasina arrin wax ka jiraan maaha, immikana weydinkaa na arkaaya, waan ka midaysannahay wax dhibaato ah oo jirtaana ma jiraan.
Sidoo kale, waxaa iyaguna shirkaa jaraa’id ee maanta Xubnaha WADDANI ku qabteen Hargeysa ka hadlay Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo xubno kale oo hoggaanka ka tirsa, kuwaasoo sheegay inaanay waxba ka jirin khilaafka Raygal sheegay inuu kala qaybiyey hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Iyagoo ku dooday inaan weligood xataa wakhtigii aanay Xisbiga u soo gudbin ee Ururka ay ahaayeen aanu khilaaf soo kala dhex-gelin hoggaanka WADDANI.
Hase-yeeshee, waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysiga kooban ee uu shalay Guddoomiye Ku-xigeenka Afraad ee Xisbiga WADDANI Cabdi Raygal Beegsi siiyey TV-ga Royal isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa. Halkan hoose ka daawo Warka khilaafka Xisbiga WADDANI dibedda u soo saaray ee uu sheegay Cabdi Raygal.
HALKAN KA AKHRISO WARKII LAGU SHAACIYEY KHILAAFKA
CodkaHargeysa.com
info@codkahargeysa.com