Miyey jiraan Astaamo lagu Garto Dareenka Qofka jilaya Jacayl uu ka been-sheegayo?

0
392

qaqKoox Saynisyahanno ah ayaa daraasadeeyey hawl-qabadka maskaxda si ay isugu dayaan daboolkana uga rogaan siraha ku tuugan jacaylka ku dhisan rabitaan aan qotodiisu dheerayn.

Cilmi-baadhistu waxay daaha ka rogtay in todobada meelood oo maskaxda ka mid ahi ku lug leedahay iska yeel-yeelista jacaylka iyo dugsashada loo qabo qof iyada oo aan looga baahnayn in laga helo wax abaal-gud iyo jawaab celin ah. Iyada oo ay sidaas tahay, haddana doonista noocan ahi waxa ay ku xidhan tahay ficillada ka muuqanka jiritaanka jacayl dhab ah iyo mid ka danaysi ah, taas oo ah in jacaylka aan dhabta ku fadhiyin uu sida runtu tahay leeyahay dareen ka go’an shucuurta qofka.

Si kasta oo ay xaqiiqdu tahay, nooca jacaylkani waxa uu inta badan ku yimaadda dadka aan lahayn wax xidhiidh la taaban karo ah. Si hadaba loo ogaado sababta keeni karta, Professor Beauregard oo daraasadda gadh-wadeen ka ahaa waxa uu isticmaalay taswiirro xaqiiqo raadis ah oo uu ku sameeyey maskaxaha dad shaqaale ah oo ku shaqeeya mushahar yar, si ay tusaale ugu noqdaan dadka leh awood ay ku dareemi karaan nooca jacaylkan. Markii la waydiiyey inay xusuusiyaan sida ay u dareemi karto, muuqaalada sawirada laga qaaday waxa ay muujiyeen in todobada goobood oo maskaxdooda ka mid ah oo dareenkan xidhiidh la leh ay markiiba shaqeeyaan, kuwaas oo saddex ka mid ahi la mid noqdeen sida loo dareemi jacaylka dhabta ah, halka kuwa kale ay ka duwanaayeen. Daah-furka daraasaddani waxa ay muujisay in goobaha maskaxda ee markiiba shaqada bilaabay markii la dareensiiyey nooca jacaylkan, waxa ay sii daayeen dheecaanno ku shaqo leh dareenka farxadda.

Codkahargeysa.com