Addis Ababa (CodkaHargeysa)- Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Federaalka ee Jamhuuriyadda Itoobiya Dr. Shiferaw Tekel Mariam.
Kulankan oo maalintii shalay ka dhacay Xarunta wasaaradda Federaalka ee Itoobiya, waxa ay labada dhinaca ka wada-hadleen arrimo khuseeya iskaashiga labada dal ka leeyihiin dhinacyada amniga, ganacsiga iyo xidhiidhka dibloosiyadeed.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi (SUDI), kaas oo lagu faahfaahiyey nuxurka uu daarranaa kulanka labada dhinac.
“Kulan rasmi ah oo dhex-maray wasiirka arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Waran-cadde oo ay ku wehelinayeen wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo qaatay muddo saacad iyo badh ah, ayaa magaalada Addis Ababa ka dhacay.
Kulankan ayaa lagu lafo-guray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nabad gelyada iyo amniga guud ee labada dawladood, ammaanka gobolka iyo iskaashiga labada dawladood.
Wasiirka Arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam waxa uu ballan-qaaday inay Somaliland ka kaalmayn doonaan tababarka Booliska, gaar ahaan habka loo maamulo, loona maareeyo banaan baxyada salmiga ah.
Kulankan waxa uu ku dhammaaday is afgarad iyo guul, iyadoo Dr. Shiferaw Tekel Mariam uu wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis hadiyad u siiyay khariiradda Ethiopia.”
CodkaHargeysa.com
info@codkahargeysa.com