Marka la eego xagga dhalmada, In kasta oo ay sii socon karto dhalmada raggu ilaa wakhti dambe marka dumarka loo eego, hadana waxa jira sifooyin la tilmaami karo oo saamayn ku leh heerka garaadka ilmaha yar.
Khubaro ka tirsan Jaamacadda Queensland ee waddanka Australia ayaa baadhitaan ku sameeyey macluumaad laga ururiyey in ka badan 33,000 oo carruur ah kuwaas oo da’doodu u dhaxaysay siddeed bilood ilaa todobad sanno.
Waxa ay daraasadooda ka heleen in carruurta ay dhalaan aabayaasha da’doodu aad u wayn tahay ay daraajooyin hoose keeneen tijaabooyin heerka fahamka ah oo laga qaaday kuwaas oo lagu eegayey heerkooda fahamku aad u hooseeyo. Tijaabooyinkan oo ka duulayey dhinaca dhiirranaantooda, xusuustooda, sida ay wax u sababayn karaan iyo weliba xirfadahooda wax-akhris. Taas liddigeeda, waxa darajo fiican ka keenay tijaabooyin carruurta ay dhaleen hooyooyinka da’da weyn kuwaas oo ka sarreeyey kuwa ay dhaleen hooyooyinka da’da yar.
“Xikmad qadiimi ah ayaa tidhaahda [ubadka ay dhalaan waalidka da’da weyni waxay helaan fursado iyo daryeel wanaagsan,” sidaa waxa yidhi Dr. McGrath oo kooxda daraasadda samaysay ka mid ah. Odhaahyadan oo bulshadu caadaysatayna waxa kaliya ee laga filaa waa in ay ka caawiso ilmaha yar sidii kor loogu qaadi lahaa heerkiisa maxkaxeed.
Si kasta ha ahaatee, waxa aad u yaraa faraqa u dhexeeyey darajooyinka ay keeneen carruurta ay dhaleen aabayaasha da’da weyn iyo kuwa da’da yar, natiijadaasina waxa ay muujisay in carruurta ay dhaleen aabayahaas da’doodu labaataneeyaha tahay ay laba darajo oo heerka fahamka lagu cabbiro ka hooseeyeen carruurta ay dhaleen aabayaasha kontameeyo-jirka ah.
Sidoo kale, kooxdu waxa ay sheegtay inay ka shakisan yihiin sida ay u dhisan yihiin qaladaadka ku imaadda hidde-sidaayasha ku jira unugyada soo saara biyaha ay ka yimaaddaan carruurta aabayaashood da’da waaweyn yihiin.
“Uma malaynayo inaanu caddayn cad u hayno ama dhiirri-gelinayno in aabayaashu ay iska joojiyaan ubadka ay dhalayaan marka ay da’ gaadhaan,” ayuu yidhi Dr. McGrath.
“Laakiin, waxaanu doonaynaa inaanu dadka barno inay jirto halis aanay garanaynin.”