Hargeysa (CodkaHargeysa)- Gudoomiyihii Komoshinka doorashooyinka somaliland Ciise Yuusuf Xamari oo Maanta xilkii Iska casilay iyadoo isla maanta Loo doortay Gudoomiye cusub Axmed Xirsi Geele oo Ahaa Afhayeenkii Gudida Doorashooyinka somaliland
Wali Ma Cada sababta Rasmi ah ee uu isku casilay Gudoomiye Xamari Laakin wararka ay helayso shabakada tooshnews ayaa tibaaxaya in Cadaadis fuulay darteed iyo mudadii oo ka sii dhamaanaysa Awgeed uu isku casilay Gudoomiye Xamari
Warsaxaaafadeed ka soo baxay Xarunta Komishanka doorashooyinka oo soo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha guud ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, ayaa lagu shaaciyey is-casilaadda guddoomiyaha doorashada guddoomiyaha Cusub, kaas oo u dhignaa sidan: “Maanta oo ay Taariikhdu tahey 22ka April,2014 waxa uu komishanka Doorashooyinka Qaranku la socodsiinayaa Bulsha Weynta Reer Somaliland,Xisbiyada Siyaasada, Xukuumada iyo daneeyeyaasha Doorashooyinka:
1) In Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu arimo shakhsi ah awgood codasdey in uu baneeyo jagada Gudoomiyaha KDQ taasoo uu qoraal rasmi ah kaga codsadey xubnaha KDQ 20kii April 2014;
2) Xubnaha KDQ waxa ay si wadajir ah uga aqbaleen (unanimously agreed) in mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu baneeyo jagada Gudoomiyaha kDQ iyagoo uga mahad celinaya wada shaqeyntii xilkasnimadii,masuuliyadii iyo hogaamintii wacneyd ee uu muujiyay muddadii uu hayay xilka Gudoomiyaha KDQ.
3) Sidoo kale, waxa ay xubnaha KDQ siwadajir ah (unanimuosly) ugu doorteen shaley oo ay taariikhdu aheyd 21kii April xilka Gudoomiyaha KDQ Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geelle waxaanay illaahay uga baryayaan in uu u fududeeyo howshaa culus.”
Waxa kale oo warsaxaafadeedkan ku lifaaqan nuqulka Go,aanka Xubnaha todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka qaranka, oo lagu cadeeyay doorashada ay gudoomiyaha Komishanka u doorteen Md Geelle.
Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
1) Maxamed Axmed Xirsi Geelle :Gudoomiye
2) Cali Khadar Xassan Cismaan :G/kuxigeen
3) Eng Ciise Yuusuf Maxamed :Xubin
4) C/fataax Ibraahim Xassan :Xubin
5) C/raxmaan Maxamed Ismaaciil :Xubin
6) Raabi Cabdi Maxamed :Xubin
7) Faarax Abiib Aadan Faarax :Xubin
CODKAHARGEYSA.COM