Saraakiil Ciidan iyo Dad Shacab ah oo loo Qab-qabtay Isku-daygii Baxsi ee Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Hargeysa

0
372

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka iyo dad shacab ah oo aan tiradooda rasmiga ah la haynin, ayaa loo xidh-xidhay fal isku-day baxsi ah oo Maxaabiis gadoodday ka sameeyeen Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, kuwaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah soo gaadhsiiyey Ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsiga.  

Xabsiga-Dhexe-ee-HargeysaMaanta Duhurnimadii ayay ahayd markii qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa dibadda uga baxeen Jeelka, iyaga oo isticmaalayey baaskoolado aan la garanayn meesha ay ka keeneen iyo cidda u geysay, waxaanay halkaan dil iyo dhaawac ugu geysteen laba askari oo ka mid ah Ciidamadii ilaalada ka ahaa Xabsiga, ka dib markii ay labada dhinac iswerdaarsadeen rasaas, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaadhay maxaabiista gadoodday.

Lix ka mid ah maxaabiistan ayaa awood u helay inay ka baxsadaan Xabsiga, haseyeeshee waxa markii gacanta ku dhigay gurmad ciidan oo saldhigga soo gaadhay iyo dad shacab ah oo is-kaashanaya.

Haddaba, warar la xidhiidha dhacdadaas oo shabakadda CODKAHARGEYSA.COM helayso, ayaa sheegay in tuhunka falkaas qaabkii ay maxaabiistu ku heleen hubka ay isticmaalayeen  loo qab-qabtay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, qaar ka mid ah eheladda Maxaabiista isku- dayga baxsasho ku fashilmay iyo Askar ka mid ah Ilaalada xabsiga.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland oo ku saabsan dhacdadan Xabsiga dhexe ee Hargeysa ka dhacday maanta oo noqonaysa tii ugu khasaaraha badnayd saddex isku day oo noocan oo ka dhacay tobankii sanadood ee ugu dambeeyay, haseyeeshee warku waxa uu intaas ku daray in hay’addaha Dambi-baadhista ay wakhtigan ku hawlan yihiinn baadhitaano la xidhiidha qaabkii loo qorsheeyey falkan iyo cidda ka dambaysay.

Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa oo dhawr sanno ka hor Midowga Yurub  dayac tir ballaadhan ku sameeyey, waxa ku jira Maxaabiis tiro badan oo loo xukumay fal-dambiyeedyo isugu jira Argagixisnimo iyo Badh-cadbadeed, kuwaas oo qaarkood lagu soo xukumay waddanka dibaddiisa.

Dhacdadan ayaa noqonaysa markii saddexaad ee Maxaabiis Xukunno kala duwan loo xidhay ay isku dayaan inay ka baxsadaan Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa, haseyeeshee waxa ay ku suntan tahay inay tahay dhacdadii ugu khasaaraha badneyd saddexda isku-day ee maxaabiista xabsiga dhexe ee Hargeysa

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com