Boorama (CodkaHargeysa)- Iyada oo la gudo-galay xilli roobabkii Gu’gu ka curteen gobollada dalka oo dhan, ayaa si weyn looga dayrinayaa xaaladda caafimaadka guud ee magaalada Borama, taasi oo ay sabab u tahay qashin aad u tiro badan oo dhooban dariiq kasta iyo goob kasta oo biyo-mareen ah, isla markaana ay sahlantahay in cudurro ay ka dilaacaan.
Xirfadlayaasha caafimaadka guud ayaa si weyn uga wal-walsan xaaladda caafimaad ee magaalada Borama taasi oo ilaa iyo immika ayna jirin cid iska xilsaartay horumarinta nadaafada guud ee magaalada.
Qashinka dhex tuulan jidadka caasimadda gobolka Awdal oo si weyn ugu sii fidaya xaafadaha magaalada, ayaa wax weyn ka beddelay muuqal biliceedka guud ee magaaalada Borama.
Waxa haatan wakhti ku siman laba bilood laga joogaa markii uu maamulka golaha deeganku magaaladu ku wareejiyey nadaafada magaalada shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Horseed.
Shirkadan la wareegtay nadaafada magaalada Borama ayaaanay awooddeedu soo dhaafin kaliya gudaha Suuqa Borama taasi oo ay sabab u tahay iyagoona haysan gaadiid ku filan oo ay kaga shaqeeyaan guud ahaan magaalada Borama. Inkastoo ay adeegsadaan gaadiidkii dawlada hoose ay horay ugaga shaqayn jireen magaalada, ayaa gaadiidakaasi ay noqdeen qaar kood kuwa jajabay oo u hayday waadhasha baabuurta ee geerashyada.
Shirkadan oo wax-qabadkeeda looga dayriyey taag-darro ka haysata dhinaca adeegyadii ay bulshada u haysatay ee loo xil-saaray, ayaa waxaa ay cuna-qabatay dadka hayntoodu yar tahay ee ka xoogasan jiray xaaqida amaba nadiifinta magaalada Borama, kuwaasi oo ugu hanjabeen masuuliyiinta golaha deegaanka iyo madaxda shirkada taagta yar ee horseed oo is garabsanaya in ay saldhiga u taxaabi doonaan haddii ay ka hawl galaan gudaha suuqa Borama.
Si kastaba ha ahatee, waxaa cid kasta oo damiir leh xanuun iyo calool xumo ku haysa qashinkani maaliba maalinta ka dambaysa kusii fidaya daafaha magaalada Borama.waxaase haboon mar haddii ay dabooli wayday shirkadani shaqadii loo igmaday in ay ku beddesho ciddii kaga mudan in ay horumarin karto bilicda iyo nadaafadda magaalada.
Codkahargeysa.com
Boorama News Desk